Home Wararka Maanta Dowladda oo bilowday inay dalka dib ugu soo celiso ciidamadii ku maqnaa Eritrea (SAWIRRO)

Dowladda oo bilowday inay dalka dib ugu soo celiso ciidamadii ku maqnaa Eritrea (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka ku booqday cutubyo ka tirsan ciidamada, oo tababar ku soo dhameystay dalka Eritrea, dibna loogu soo celiyay Magaalada Muqdisho.

Xaruntan ayaa waxaa ka socoto dib u soo celinta ciidamada muddada dheer ee tababarka ugu maqnaa dalkaasi iyo kuwo kale oo horaantii sanadkan la diray.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamadaasi ayaa kula dardaarmay in ay ka qayb qaataan dadaalada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha oo dul istaagay hannaanka dib u soo celinta ciidamada ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qayb qaataan ciribtirka Khawaarijta Al Shabaab, isagoo ku bogaadiyay Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayaynta iyo dib-u-habaynta Ciidamada Xoogga Dalka.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamadan ay ka kooban yihiin Dhulka, Cirka iyo Badda, isla-markaana ay isugu jiraan qaar sanado badan ku maqnaa Eritrea iyo cutubyo sanadkan bilowgiisa la diray, kuwaas oo soo dhameystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyay.

Sida dhakhsaha ah ee ciidamada dalka loogu soo celiyay ayaa warka lagu sheegay in ay meesha ka saareyso duruufo badan oo soo food-saari jiray dhallinyarada u istaagay difaaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka taggeen iyo qarankoodaba.

“Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyay xarumihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horreyay ee dalka soo gaarayna ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatana ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qorshuhu uu ahaa in ciidamadan ay dalka dib ugu soo laabtaan bartamihii bishii hore ee September, balse ay dib uga dhaceen arrimo farsamo awgood.

Ciidamada muddada dheer ku sugnaa Eritrea oo shan kun oo askari gaarayay ayaa dhammaadkii sanadkii 2019 iyo bilowgii sanadkii xigay ee 2020 tababar loogu qaaday dalkaasi. Qiyaastii saddex kun oo ka mid ah ayaana dalka dib loogu soo celiyay bishii December ee sanadkii hore.

Soo guryo noqoshada ciidamadan ayaa imaanaysa, iyadoo Gobolada Dhexe uu ka socdo guluf ka dhan ah maleeshiyada Shabaabka, dowladduna ay dadaal ugu jirto, sidii maleeshiyada looga sifeyn lahaa goboladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc