Home Wararka Maanta Dowladda Canada oo si lama filaan ah dib ugu dhigtay musaafurinta muwaadin Soomaaliyeed

Dowladda Canada oo si lama filaan ah dib ugu dhigtay musaafurinta muwaadin Soomaaliyeed

by Laacib

Dowladda Canada ayaa Isniintii si lama filaan ahayd u hakisay qorshe ay dooneysay inay dalkeeda uga musaafuriso muwaadin Soomaaliyeed, iyadoona sheegtay in illaa lix bilood dib loo dhigay musaafurintiisa.

Muwaadinkan oo lagu magacaabo Yuusuf Maadey Maxamed ayaa in ka badan toban sano ku noollaa dalkaasi, waxaana lagu waday in shalay laga musaafuriyo dalkaasi, ka dib markii Waaxda Arrimaha Xuduudaha Canada ay kol hore sheegtay in uu ka been sheegay imaanshiyihiisa dalka. Waaxda ayaa horaantii bishan sheegtay in 19-ka June ay dib ugu celin doonto dalka Kenya, oo muddo dheer uu qaxooti ahaan u deganaa.

Dowladda Canada ayaa Yuusuf Maadey ku wargelisay in musaafurintiisa dib loo dhigay muddo lix bilood ah.

Dowladda ayaa hadda dhageysaneysa codsiyada kaga imaanaya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ururada u dooda dadka soo galootiga ah, ee ku baaqaya inaanan ninkaasi dalka laga musaafurin.

Yuusuf Maadey waa aabe leh shan carruur ah, oo haddii dalka laga musaafuriyo loo arkay inay keeni karto dayac ku yimaada xubnaha qoyskiisa.

Hoggaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ayaa codsiyada ay u gudbiyeen dowladda ku sheegay in Yuusuf Maadey uu yahay ninka keliya ee qoyskiisa u dhaqdhaqaaqa, isla-markaana ay dalbanayaan in carruurtiisa iyo hooyadood ee dalkaasi nool aan laga kaxeynin.

Horaan, xaaskiisa Xaliimo Ibraahim Cali ayaa dowladda ka codsatay inaanan carruurteeda laga kaxeyn aabahood.

Tallaabada lagu hakiyay musaafurintiisa ayaa loo fasirtay mid ay dowladdu dib ugu eegeyso culeyska dhaqaale iyo habacsanaanta kale ee dhanka nolosha ee ku imaan kara qoyskaasi.

Yuusuf Maadey ayaa xilligii uu tegayay Canada waxa uu watay basaboorka dalka Kenya, taas oo caqabad ku noqotay in dib u dejin uu ka helo dalkaasi. Yuusuf ayaana tobankii sano ee la soo dhaafay ku noollaa Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc