Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka oo shir uga furmay Muqdisho (SAWIRRO)

Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka oo shir uga furmay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Kusimaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray shirka siyaasadda loo dhan yahay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaraya qorshaha Xukuumadda DanQaran ee siyaasadda loo dhan yahay, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa, sidii loo dardargelin lahaa, loogana miro dhalin lahaa qorshaha Xukuumadda DanQaran ee siyaasadda loo dhan yahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Kusimaha Raysal Wasaaraha ayaa madasha la wadaagay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay geeddi-socodka dowlad dhiska dalka, caqabadaha jira iyo qorshaha dowladda ee sanadkan 2024, isaga oo soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado taageerada horumarinta ee saaxiibada caalamiga ah ay siiyaan Somaliya.”

Shirka ayaa muddo laba cisho ah ka socon doono Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc