Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka iyo Taliska ATMIS oo ka wada shaqeynaya dhimista Ciidanka ATMIS

Dowladda Federaalka iyo Taliska ATMIS oo ka wada shaqeynaya dhimista Ciidanka ATMIS

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Afrika ee Hawlgalka ATMIS, wax yar uun ka dib, markii ay galabta wareejiyeen amniga Aqalka Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, Taliyaha Ciidanka ATMIS, General Sam Okiding iyo xubno kale, kuwaa oo sida muuqata ay ka wada hadleen bilowga wareejinta illaa 10 xarumood, oo lagu wado in maalmaha ka harsan bishan ay wareejiyaan Ciidanka ATMIS.

Ciidanka ATMIS oo horey loo oran jiray AMISOM ayaa muddo 16 sano ah qaabilsanaa ilaalinta amniga ee Aqalka Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegaan amniga Madaxtooyada Qaranka iyo Xarunta Baarlamaanka oo Madaxtooyada ku dhex taala.

Madaxweynaha ayaa tallaabadan ku qeexay mid ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda ee Ciidamada Qalabka Sida.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ugu hambalyeeyay Guutada 77aad ee Xoogga Dalka la wareegidda masuuliyadda amniga madaxda dalka ayaa tilmaamay macnaha ay leedahay tallaabadan, oo ka tarjumeysa dib u soo laabashada cududda iyo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, oo u soo bandhigay sida ay ugu diyaarsan yihiin sugidda amniga madaxda dalka, waxa uuna u mahadceliyay saraakiisha iyo askarta ATMIS ee sanaddada badan ku gacansiinaysa sugidda amniga hoggaanka dalka.”

Iyadoo laga duulayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2687, Dowladda Federaalka iyo Taliska ATMIS ayaa ka wada shaqeynaya qorshaha ka bixitaanka dalka ee Militariga ATMIS.

War ka soo baxay Taliska ATMIS ayaa lagu sheegay in wareejinta amniga Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ay bilow u tahay wejiga 2aad ee dhimista ciidamadooda.

Qorshaha ayaa ah in illaa 31-ka bishan December ay wareejiyaan 10 xarumood, oo qaarkood ay ku yaallaan Magaalada Muqdisho, markaas oo la fillayo in dalka ay kala baxaan illaa 3,000 oo askari.

Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in 31-ka bishan ay saxiixi doonaan qoraalka rasmiga ah ee dhammaadka wejiga 2aad ee dhimista ciidamada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc