Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo sameysay xarun cusub oo lagu la dagaalamayo Shabaab

Dowladda Federaalka oo sameysay xarun cusub oo lagu la dagaalamayo Shabaab

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa sameysay xarun cusub oo lagu la dagaalamayo fekerka khalafsan ee maleeshiyada Al Shabaab.

Xarunta Qaran ee Tubsan (National Center) ayay shaqadeedu tahay inay ka hortagto waxyaabaha aasaasiga u ah ee dhaliya ama dhiirigeliya faafitaanka fekerka xagjirnimada ee rabshadaha wata.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa Cabdullaahi Maxamed Nuur oo horey u soo noqday Wasiirka Amniga ee Xukuumaddii Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xarunta Tubsan.

Raysal Wasaare Barre ayaa sidoo kale waxa uu Ibraahim Aadan Ibraahim u magacaabay Agaasime Kuxigeenka cusub ee xaruntan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii October ku dhawaaqay in dagaalka ay dowladdiisu kula jirto maleeshiyada Al Shabaab aanu ku ekaan doonin oo keliya midka militariga, balse ay sidoo kale kala dagaalami doonto dhanka dhaqaalaha iyo weliba xagga fekerka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay si dhab ah u wiiqi doonto Shabaabka, ka dib muddo dheer oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Khubarada amniga iyo dadka kale ee ka faallooda arrimaha militariga ayaa sheegaya in Shabaabku ay wajahayaan xilligoodii ugu adkaa, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen.

Shabaabka ayaa dagaal kula jiray dowladihii kala dambeeyay ee dalka, oo jiritaankooda ay si weyn uga biyo diidanaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc