Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo shaacisay in Isniinta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadan

Dowladda Federaalka oo shaacisay in Isniinta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadan

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa caawa ku dhawaaqday in Isniinta berrito ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakaysan ee Ramadan, ka dib markii ay sheegtay in curashada bisha laga arkay meelo ka mid ah dalka.

Wasiirka Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Federaalka, Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in Isniinta ay tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadan, isagoo sheegay in dad meelo kala duwan jooga ay wasaaradda u sheegeen inay arkayn bilashada bisha.

Jamaal Axmed Mayow oo ku nool Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu dhaariyay Studiyaha Telefishinta Qaranka, kaas oo ku dhaartay in gelinkii dambe ee maanta uu arkay bisha.

Wasiir Roobow ayaa intaasi ka dib sheegay in berrito oo ku beegan 11-ka bisha March ay tahay in dadku soomaan.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dunida Muslimkaba ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadan.

“Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo warkan ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

Magaalooyinka dalka qaarkood ayaa caawa laga tukaday Salaadda Taraawiixda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc