Home Wararka Maanta Dowladda Ingiriiska oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonto Xoogaga Xuuthiyiinta

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonto Xoogaga Xuuthiyiinta

by Laacib

Wasiirka Difaaca Ingiriiska, Grant Shapps ayaa Isniintii sheegay inaysan aqbali doonin in Xuuthiyiinta Yemen ay u sii xirnaato marinka muhiimka ah ee Badda Cas.

Wasiirka ayaa sheegay inaanay London u dulqaadan doonin in Xoogaga Xuuthiyiinta ay carqaladeeyaan isu socodka ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Xuuthiyiinta ay hadda la gudboon tahay in ay joojiyaan weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, haddii kalena ay UK qaadi doonto tallaabo ay wax kaga qabaneyso.

“Xuuthiyiinta ay Iran taageerto waa inay hadda joojiyaan ololahooda sharci darrada ah, ee ay ku xayirayaan marinada maraakiibta caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Haddii ay joojin waayaan weerarada, UK kama laba labayn doonto inay qaaddo tallaabo ay ku ilaalineyso nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo dhaqaalaha adduunka.”

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Xuuthiyiintu waxay wejihi doonaan wixii cawaaqib ah ee ka dhasha, haddii ay sii socdaan carqaladeynta ganacsiga Badda Cas, waxayna UK diyaar u tahay inay tallaabo toos ah ka qaaddo fallaagada Xuuthiyiinta, si loo joojiyo weerarada maraakiibta.”

Dhanka kale Grant Shapps ayaa sheegay in London ay biyaha Gacanka Khaliijka u direyso markabka dagaal ee HMS Richmond, si loo bedelo Ciidamada Badda Boqortooyada ee ku sugan gobolka.

Shapps ayaa sheegay in tani aysan kaga sii dari doonin xaaladda cakiran ee tan iyo bishii November ka taagan marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa marar badan ku celceliyay inaanay iyagu weerar ku ahayn maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, marka laga soo taggo maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda.

Xuuthiyiinta uma muuqdaan kuwo diyaar u ah in ay dhageystaan hanjabaadaha kaga imaanaya xulafada Mareykanka, illaa iyo inta ay Israel ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza, kuna fasaxeyso gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc