Home Wararka Caalamka Dowladda Iran oo digniin culus u jeedisay Israel

Dowladda Iran oo digniin culus u jeedisay Israel

by Laacib

Dowladda Iran ayaa Israel ugu yeertay in ay joojiso dembiyada dagaal ee ay ka waddo Marinka Gaza, haddii kalena ay la kulmi doonto iska caabin xoog leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian ayaa ka digay inaanay Israel joojin weerarada ka dhanka ah dadka reer Gaza, haddii kalena uu dagaalku ku fidi doono Bariga Dhexe.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Caasimadda Beirut ayaa sheegay in Xoogaga Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta Lubnaan ay ku soo biiri doonaan dagaalka, isla-markaana ay Israel la kulmi doonto sida uu yiri gariir weyn.

“Waan ogahay saamaynta Xisbullah, tallaabo kasta oo iska caabinta ay qaadi doonto waxay sababi doontaa dhulgariir weyn oo ku dhaca Maamulka Sahyuuniyadda.” Ayuu yiri Wasiirka.

“Waxaan rabaa inaan uga digo inta ay goori goor tahay maamulkan iyo kuwa taageera inay joojiyaan dembiyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Gaza, haddii kalena ay noqon doonto mid aan la mahdin.” Ayuu sii raaciyay Wasiirku.

Dhanka kale Boqortooyada Sacuudiga ayaa hakisay wada hadalada uu garwadeenku ka yahay Mareykanka ee lagu caadiyeynayo xiriirka Israel.

Wararka ayaa sheegaya in Riyadh ay Washington ku wargelisay inaanay sii wadi doonin wada hadaladaasi, illaa iyo inta ay xiisaddan taagan tahay.

Sacuudiga ayaan aqoonsanayn Dowladnimada Israel, iyadoona Mareykanku uu muddooyinkii ugu dambeysay waday dadaalo lagu hagaajinayo xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman oo Arbacadii khadka teleefanka ku wada hadlay ayaa isla rogrogay xiisadda ka soo cusboonaatay gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa si dhow uga wada hadlay baahida loo qabo in la soo afjaro dembiyada dagaal ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Mohammad Jamshidi oo ah La taliyaha Siyaasadda ee Madaxweyne Raisi ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha ay fahamsan yihiin taageerada weyn Mareykanka ee Israel in ay Israel u horseedi doonto amni darro iyo burbur.

Waa markii ugu horreysay oo dhinacyadu ay khadka teleefanka ku wada hadlaan, tan iyo markii Tehran iyo Riyadh ay bishii March dib u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed, ka dib toddobo sano oo uu xumaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc