Home Wararka Maanta Dowladda Iran oo sheegtay in dilka Arouri uu xoojin doono iska caabinta gobolka

Dowladda Iran oo sheegtay in dilka Arouri uu xoojin doono iska caabinta gobolka

by Laacib

Dowladda Iran ayaa si kulul u cambaareysay dilkii ay xalay Israel u gaysatay Saleh al-Arouri, Kuxigeenkii Madaxa Xafiiska siyaasadda ee Ururka Xamaas, kaas oo lagu dilay duqayn ka dhacday dalka Lubnaan.

Weerarka oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ayaa ka dhacay koonfurta Caasimadda Beyruut, waxaana ninkaasi lala dilay lix xubnood oo kale.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Nasser Kanaani ayaa sheegay in dhagarta lagu dilay Saleh al-Arouri ay caddeyn u tahay in Israel ay tahay dowlad argagixiso oo dhiig gacmaha kula jirta.

“Weeerarkani waxa uu mar kale caddeynaya aasaaska Maamulka Sahyuuniyadda, wuxuuna ku saleysan yahay argagixiso iyo dembiyo.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay “Waa xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Lubnaan, wuxuuna ka tarjumaya in Israel ay guuldarro culus kala kulantay kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta.”

Nasser Kanaani, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa tilmaamay in beegsiga lagu hayo Madaxda Ururka Xamaas aysan niyad jebin doonin shacabka Falastiiniyiinta, balse ay dhiirigelin doonto, isla-markaana ay xoojin doonto iska caabinta gobolka ee ka dhanka ah Israel.

“Hoggaamiyaha Xamaas ee la dilay waa hubaal in ay dhiirigelin doonto Falastiiniyiinta, ayna xoojin doonto iska caabinta, keliya ma ahan Falastiiniyiinta, balse sidoo kale gobolka.” Ayuu yiri Kanaani.

Dhanka kale Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirada ku wargeliyay inaanay ka hadli karin hawlgalka abaabulan ee lagu dilay Kuxigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas.

Israeliyiinta ayaa la sheegaya in ay si weyn uga walaacsan yihiin cawaaqibka ka dhalan kara shirqoolka lagu dilay Arouri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa dib u dhigay safar uu ku tagi lahaa Israel, isaga oo u ambabixi doona toddobaadka soo socda.

Dib u dhaca Blinken ayaa la sheegaya inaanay wax xiriir ah la lahayn dilka ka dhanka ah shuruucda caalamiga ee Israel ay Arouri ugu gaysatay dal uu ku joogay qaab magangelyo ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc