Home Wararka Caalamka Dowladda Netherlands oo Israel ka dalbatay inaanay weerarin Rafah

Dowladda Netherlands oo Israel ka dalbatay inaanay weerarin Rafah

by Laacib

Dowladda Netherlands ayaa ka hortimid qorshaha socda ee ay Ciidamada Israel ku weerarayaan deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Netherlands, haweeneyda lagu magacaabo Hanke Bruins ayaa sheegtay in xaaladda koonfureed ee Gaza ay tahay mid aad looga walaaco.

Waxay sheegtay in hawlgalka baaxadda leh ee ay Israel damacsan tahay ay adkaan doonto inaanay waxyeelo ka soo gaarin dadka ku nool dhulka isku raranka ah.

“Dad badan oo rayid ah oo Gaza ku noolaa ayaa ku qaxay.” Ayay tiri Hanke Bruins oo dhanka kalena sheegtay in duulaankan uu horseedi doono masiibo bani’aadantinimo oo ka weyn midda hadda ka jirta Marinka Gaza.

“Tani waa wax aan cudurdaar lahayn.” Ayay sii raacisay Hanke Bruins.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dad ka badan hal milyan oo qof oo barakacayaal ah ay gabaad ka dhiganayaan Rafah, xilli ay wajahayaan gaajo daran, biyo la’aan iyo sahayda dawada oo gabaabsi ka sii ah.

Dadkan oo u badan kuwii guryahooda looga soo saaray duqaymaha iyo weerarada joogtada ah ee ay Ciidamada Israel ka wadaan bartamaha iyo waqooyiga Gaza ayaa dareemaya in looga daba yimid halkii ugu dambeysay oo ku dhow xuduudda Masar.

Qaramada Midoobay iyo dalal badan oo ay ku jiraan xulafada Israel oo Mareykanka uu ugu horreyo ayaa muujiyay, sida ay uga soo horjeedaan duulaanka Rafah, balse Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in la weerari doono dhulkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc