Home Wararka Maanta Dowladda oo digniin adag u jeedisay shacabka ku dhaqan dhulka Shabaab maamulaan

Dowladda oo digniin adag u jeedisay shacabka ku dhaqan dhulka Shabaab maamulaan

by Laacib

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay isaga fogaadaan dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab ka arrimiyaan.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay jiri doonaan bartilmaameedyo laga fulinayo deegaanadaasi, ayna tahay in dadku isaga fogaadaan.

“Waxaa jira oo hadda la beegsanaya, cirka iyo dhulkana laga sahmiyay barraha ay ku diyaarinayaan qaraxyada, barrahooda hoggaaminta, taakuleynta iyo abaabulka.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta Dowladda la hadlay.

Afhayeenka ayaa yiri “Waxaana hadda laga diyaariyay sahan lagu sameeyay hawada, sahankaasi waxa uu ka fulay deegaanka la yiraahdo Buulo Fuulaay oo Gobolka Baay ka tirsan iyo Galhareeri, oo lagu baabi’iyay barrihii ay ku diyaarinayeen walxaha qarxa, barraha hoggaaminta ay isugu yimaadaan amiirada, nimanka hawlgelinta dagaalada madaxda uga ah iyo barrahooda taakuleynta dawooyinka, cuntada, shidaalka iyo gaadiidka ay ku kaydsadaan, iyaga dhammaantoodba waa la burburiyay, labadaas meelood baa la la burburiyay, inta kalena waa sahansan tahay.”

General Caanood ayaa shacabka ugu baaqay “Waxaan u sheegaya shacabka Soomaaliyeed ee dhulkaa degan in ay si buuxda uga fogaadaan deegaanadaasi, ayna xoolahooda, carruurtooda iyo naftooda kala fogaadaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Qofkii hawlgalkaasi asagoo saas loogu sheegay ay wax ku gaaraan naftiisa keliya ha dagaalo, qof uu hadhow wax u haystaa ma jirto. Ha laga fogaado dhulkaas iyo nawaaxigiisa.”

General Caanood ayaa sheegaya in hawlgalka dhanka dhulka uu sida ugu dhakhsaha badan uga bilaabanayo dalka, maalmaha soo socdana ay dadku wax weyn maqli doonaan.

“Hawlgalkii dhinaca dhulka degdeg buu u bilaabanaya, saacadaha soo socda illaa maalmaha soo socda wax weyn baa maqli doontaan, Insha’Allah.” Ayuu yiri Caanood oo intaasi ku daray in hawlgalku uu isugu jiri doono mid dhul iyo cirba leh.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa lagu wadaa in hawlal ballaaran ay ka sameeyaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc