Home Wararka Maanta Dowladda oo ka hadashay duqaynta labaad ee ka dhacday duleedka Xarardheere

Dowladda oo ka hadashay duqaynta labaad ee ka dhacday duleedka Xarardheere

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa maanta faah faahisay hawlgal kale oo xagga cirka ah, oo maleeshiyada Al Shabaab lagu la beegsaday koonfurta Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in duqaynta ay saqdii dhexe ee xalay ka dhacday dhulka miyiga ee Degmada Xarardheere.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgalkan, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge, oo qiyaastii 28km dhanka waqooyi kaga toosan Degmada Xarardheere.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu bartilmaameedsaday saddex goobood oo Shabaabku ay kaga sugnaayeen deegaankaasi, laguna dilay 70 nin, 30 kalena lagu dhaawacay.

“Maleeshiyaadka halaagsamay waxaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku uruursanayeen illaa 150 Khawaarij ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo uruuriyay.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxa kaloo lagu sheegay “Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa weli ku raad jooga kontomeeyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Khawaarijtu daryeel u la’dahay maleeshiyaadka dhaawacyada daran ay ka soo gaareen hawlgalka.”

Duqayntan ayaa daba socoto mid kale oo habeen hore ka dhacday deegaanka Carfuuda oo hoostagta Degmada Xarardheere, waana duqayntii labaad ee muddo 24 saac gudahood ah ka dhacdo dhulka miyiga ee hoostagga degmadaasi.

Deegaanada fogfog ee ku xeeran Degmada Xarardheere ayaa ah aag ay ku xoogan yihiin Shabaabka, dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ahna uu aad ugu yar yahay.

Shacabka ku dhaqan miyiga Xarardheere ayaa kuu sheegaya in xalay iyo habeen horeba ay maqleen qaraxyo waaweyn, oo ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.

Shacabku wax galaangal ah uma lahan inay taggaan goobaha ay Shabaabku degan yihiin, marka sidaan oo kale loo duqeeyo iyo marka kaleba, sababo ku aaddan Shabaabka oo si weyn uga feejigan in xogtooda ay bannaanka u baxdo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc