Home Wararka Maanta Dowladda oo ka hadashay sababta ciidamada uga soo baxeen Ceelbuur

Dowladda oo ka hadashay sababta ciidamada uga soo baxeen Ceelbuur

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa qirtay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay dib uga soo gurteen Magaalada Ceelbuur, oo 25-kii bishan laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadu ay xeelad dagaal uga soo baxeen magaaladaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in waddooyinka oo aan isku furneyn awgood ay ciidamadu dib uga soo gurteen magaalada, isla-markaana ay dib ugu laaban doonaan.

Wasiirka oo ku sugan furimaha dagaalka ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa sheegay in hadda uu socdo dib-u-qaabeynta dagaalka uu qorshuhu yahay in Shabaabka lagaga saaro dhulka ay kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug.

“Waddooyinkii ayaanan isu xirneyn oo isu socodka ayaa la rabaa hadda in la hagaajiyo, waana shaqooyinka halkan aanu u joogno. Aad iyo Aad ayay u sahlan tahay in maanta Ceelbuur la taggo, laakiin waxaa muhiim ah inay isku xiran yihiin ciidamada, meel kastoo ay joogaan.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo BBC la hadlay ayaa yiri “Xeelad dagaal bay ciidanku uga soo baxeen magaalada, wax kale oo hadda ciidankeennu ay tabayeen oo weyn ma jiraan, haddana aagaggii markii hore ay ka dhaqaaqeen ayay ku sugan yihiin, abaabulkii uun baa kala hormaray, haddana abaabulkii iyo guud ahaan isku xirnaantii ciidanka ayaa la sameynaya.”

Waxa uu sheegay in ciidamadu wajahayaan dhul uu Shabaab ku xidideystay, isla-markaana ay markii hore caqabado ka qabsadeen, sidii waddooyinka la isugu furi lahaa, haddase uu yoolkoodu yahay, in marka hore ay xaqiijiyaan isu socodka, ka dibna ay gaaraan magaalooyinka iyo deegaanada la xoreynayo.

“Waxaan wajahayno waxaa weeye waa ciidan xidideystay oo muddo dhowr iyo toban sano ah halkan joogay. Ciidankaas meel kasta ayuu ku beeran yahay, miinooyin ayuu meel kasta dhigay, isku furankii waddooyinka ayay cilado badan ka jiraan oo u baahan in waddooyinka ay isu furmaan.” Ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Ciidamada ka soo baxay Ceelbuur iyo Wabxo oo hadda ku sugan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay halkaasi ka wadaan abaabul iyo diyaargarow ay mar kale ku qabanayaan dhulka u dhaxeeya min Maxaas illaa Ceelbuur.

Shabaabka ayaa Arbacadii dib ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur, oo muhiim u ah joogitaankooda Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc