Home Wararka Maanta Dowladda oo la wareegtay guri loo adeegsanayay qalqalgelinta amniga Muqdisho

Dowladda oo la wareegtay guri loo adeegsanayay qalqalgelinta amniga Muqdisho

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegtay gurigan oo ku yaala deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Laamaha amniga ayaa ogaaday in gurigan duhurnimadii maanta laga soo tuuray tiro hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Hoobiyeyaasha oo ku dhacay xeendaabka garoonkaasi ayaa waxaan jirin cid wax ku noqotay, inta laga warqabo.

Laamaha amniga ayaa gurigaasi geeyay ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare, waana Ciidanka Xasillinta Muqdisho ee amniga magaalada sugaya.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay gurigaasi ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay soo ogaadaan goobta ay maleeshiyada Al Shabaab hoobiyeyaashaasi ka soo tuurtay.

Afhayeenka ayaa goobtaasi ku soo bandhigay gumaca qoriga hoobiyaha oo aan qarxin iyo alaabo kale oo macmal ah oo sida uu sheegay loogu talagalay in hoobiyeyaasha lagu qarxiyo oo gurigaasi laga helay.

Afhayeenka ayaa sheegay in kooxdii weerarka ka dambeysay ay ka baxsatay goobta, balse waxaa uu sheegay in lagu raadjoogo.

Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka ay la wareegeyso gurigaasi, illaa iyo inta laga soo qabanayo kuwii ka dambeeyay weerarkaasi.

“Waxaa kaloo xusid mudan in maanta gurigii ama goobtii laga soo tuuray hoobiyaha ay Khawaarijtu u diyaarisay inay u isticmaasho goob ay dadka shacabka ah ku dhibaateyso in ciidamada ammaanka haatan ku sugan yihiin, waxaana la rajeynaya in dowladdu ay la wareegto, illaa iyo inta si cad gacanta loogu soo dhigayo dadkii falkaasi ku lugta lahaa.” Ayuu yiri Doodisho.

Ciidanka Xasillinta Muqdisho ayaa maanta si weyn u adkeeyay amniga caasimadda, maadaama ay caawa dalka ka bilaabaneyso munaasabadaha toddobaadka xorriyadda.

Munaasabad lagu xusayo 26-ka June ayaa caawa lagu wadaa inay ka dhacdo Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. 26-ka June ayaa ku beegan, markii Gobolada Waqooyi ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc