Home Wararka Maanta Dowladda oo shaacisay magacyada Saraakiil Shabaab oo hawlgal lagu dilay

Dowladda oo shaacisay magacyada Saraakiil Shabaab oo hawlgal lagu dilay

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa maanta sheegtay in saddex ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab lagu dilay hawlgal ka dhacay Bariga Gobolka Galgaduud.

Dowladda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in Saraakiishan lagu dilay hawlgal ay xalay Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ka fuliyeen dhanka galbeed ee deegaanka Ceel La-helay, oo hoostagga Magaalada Ceelbuur.

Dowladda ayaa magacyada xubnahan ku kala sheegtay Olol Cali Guuleed, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre.

“Hawlgalka oo xalay ka dhacay galbeedka Ceel La-helay waxaa lagu dilay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Khawaarijta, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa laba dembiile oo lagu daba jiray.” Ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadeysan loo qorsheeyay, loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jebiyay guud ahaan Khawaarijta, gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysanaya Galmudug.”

Dowladda Federaalka ayaa u mahadcelisay dadka deegaanka, oo sida ay sheegtay gacan ka gaystay fududeynta hawlgalka.

“Waxaa ka go’an dowladda oo kaashaneysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagarqabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiiran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla-markaana ka dhega-adayga in ay ka haraan fekerka iyo ficilada Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc