Home Wararka Maanta Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga dilay dagaalkii Gobolka Mudug

Dowladda oo shaacisay tirada Al Shabaab looga dilay dagaalkii Gobolka Mudug

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa bogaadisay guulaha ay maanta ciidamadu ka gaareen hawlgalka ballaaran, ee ay ka wadaan Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ay maleeshiyada Al Shabaab kala wareegeen laba deegaan oo muhiim ah, kuwaa oo lagu sheegay Qodqod iyo Sargo.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaalkii maanta lagu dilay 30 ka mid ah maleeshiyadaasi, lagana gubay afar gaari, sidoo kalena ay ciidamadu dagaalka ku qabsadeen laba gaari iyo hub.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in Shabaabku ay isku dayeen inay dagaal kala hortaggaan ciidamadii ku wajahnaa Qodqod, hase yeeshee halkaasi loogu gaystay jab xoogan, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

“Dowladda Somaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dulqaadaan, garabna istaaggaan Ciidanka Qaranka.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxa kaloo warsaxaafadeedka lagu sheegay “Waxaa ka go’an Dowladda Federaalka oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagarqabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiiran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla-markaana ka dhaga-adayga in ay ka haraan fekerka iyo ficilada Khawaarijta.”

Shabaabka laga soo saaray Qodqod ayaa caawa ku hooyanaya deegaanka Cammaara, oo la soo sheegayo in ciidamadu ay ku sii jeedaan.

Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug, xoogaga deegaanka iyo Xerta Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee fadhigoodu yahay Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ayaa jihooyin kala duwan kaga sii socda dhulka ay Shabaabku kaga harsan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dadku maqli doonaan is bedelo waaweyn, oo ciidamadu ka sameeyeen furimaha dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc