Home Wararka Maanta Dowladda oo sheegtay in 167 Shabaab ah lagu dilay duqayntii Dumaaye

Dowladda oo sheegtay in 167 Shabaab ah lagu dilay duqayntii Dumaaye

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa galabta war ka soo saartay duqayn xoogan ee Sabtidii ka dhacday afaafka hore ee deegaanka Dumaaye ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Warka ayaa lagu sheegay in duqaynta oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga lagu burburiyay xaruntii maleeshiyada Al Shabaab ee gobolkaasi.

“Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntaasi ay Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye, halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horey uga dhacday culumada deegaanka, una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan qaraxyada, hoyna u ahayd horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu yiri “Marka uu dhacayay hawlgalku waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol, waxaana hadalo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal.”

Warka ayaa lagu sheegay in duqaynta ay ku geeriyoodeen 167 ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo saddex ka mida ay horjoogeyaal yihiin, 87 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeriyooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan saddex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan laba nuuca loo yaqaano BG, kuwaas oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, isla-markaana sababay in uu sii bato khasaaraha Khawaarijtu. Waxaa halkaas ka dhashay dab weyn oo keenay in Khawaarijtii bannaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay xerada.”

Dowladda Federaalka ayaa maleeshiyada Shabaabka ku eedeysay in ay aargudasho ahaan u dileen shan qof oo shacab ahaa, oo sida ay sheegtay afduub u haysteen.

“Dowladdu waxa ay cambaareynaysaa in Khawaarijta oo ka aargudanaya hawlgalkaas ay laayeen dad shacab ah oo u afduubnaa, kuwaas oo gaaraya shan qof, taas oo muujineysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka.” Ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Dowladda Federaalka.

Kol sii horreysay dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in duqayntii Sabtidii ay waxyeelo buuran ka soo gaartay xubnaha Shabaabka, isla-markaana ay meydadkoodu ku aaseen dhulka hawdka ee Dumaaye iyo Dabagalo.

Shabaabka ayaa saldhig weyn ku lahaa Xerada Sheekh Maxamed Raage, oo ku taala afaafka hore ee deegaanka Dumaaye. Dumaaye ayaa hoostagta Degmada Xarardheere.

Diyaaradaha dagaalka ayaa si ba’an u garaacay xeradaasi, oo loo arko bar muhiim u ah joogitaanka Al Shabaab ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Duqayntan ayaa lagu sheegay tii ugu waxyeelada badneyd ee Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, muddadii ay ka hawlgalayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc