Home Wararka Maanta Dowladda oo sheegtay in Shabaab badan lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose

Dowladda oo sheegtay in Shabaab badan lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa caawa sheegtay in 45 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo kuwa saaxiibada caalamiga.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa qoraal ku sheegtay in ciidamadu ay hawlgalkan ka fuliyeen Beerta Faay Yuusuf oo u dhow deegaanka Yimbis ee duleedka Degmada Afgooye, halkaas oo ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad gabbaad ka dhiganayay.

“Hawlgalkan oo socday xalay illaa maanta ayaa waxyeelo culus loogu gaystay argagixisada Al Shabaab ee ku sugneyd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogeyaal tiradoodu gaareyso 45, iyada oo dhulka lala simay teendhooyin argagixisada hoy u ahayd, halka illaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xubnaha la beegsaday ay qorsheynayeen weerar ay ka gaystaan deegaanka Bariire, ha yeeshee Sirdoonka Qaranka oo ka war helay ay u suurtagashay inay ka hortaggaan.

“Maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha la khaarijiyay ayaa maleygayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay oo la baadi-goobayo firxadkooda.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa ugu dambayn lagu sheegay “Dowladda Somaliya oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah, waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.”

Tani ayaa imaanaysa, xilli illaa saddex qarax oo Talaadadii ka dhacay deegaankaasi Bariire ay ku dhinteen 5 qof oo rayid ah, halka 19 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc