Home Wararka Maanta Dowladda oo sheegtay in tobaneeyo Shabaab ah lagu dilay Gobolka Galgaduud

Dowladda oo sheegtay in tobaneeyo Shabaab ah lagu dilay Gobolka Galgaduud

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamadu ay hawlgalka ku burburiyeen laba goob, oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in ciidamadu ay hawlgalka ka sameeyeen deegaanada Xiin-tubaal iyo Ceel Cali Weyd, oo dhaca koonfuur bari Gobolka Galgaduud.

“Illaa iyo 43 ka tirsan Khawaarijta ayaa ku dhintay hawlgalka, waxaana lagu burburiyay saddex gaari oo Khawaarijtu ay lahaayeen.

Khawaarijta halkaas lagu laayay waxaa ay ahaayeen maleeshiyaad halkaas ay ku uruuriyeen Khawaarijtu, kuwaas oo ka kala yimid goobo kala duwan oo horey loogu weeraray Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay sidoo kale hawlgal ballaaran ka wadaan daanta galbeed ee Gobolka Galgaduud, Shabaabkana looga saaray deegaano hoostagga Magaalada Ceelbuur.

Ciidamada ayaa mar kale isku dayaya in ay xaqiijiyaan amniga deegaanada hoostagga Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri, ka hor inta aanay ciidamadu la wareegin gacan ku haynta magaalooyinkaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gadaal ka riixaya, sidii Shabaabka looga sifeyn lahaa dhulka ay kaga harsan yihiin deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc