Home Dhacdooyin Dowladda oo xaqiijisay in 14 qof loo qabtay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

Dowladda oo xaqiijisay in 14 qof loo qabtay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad

by Laacib

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo u tacsiyeeyay qoysaska ay ka baxeen askartii ku dhimatay weerarkaasi ayaa sheegay in weli uu baaritaanku socdo.

Wasiir Kuxigeenka oo maanta ka hor hadlayay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Booliska ay iska kaashanayaan baaritaankaasi.

“Guddi isku dhaf ah ayaa baaraya oo Nabad Sugidda ay ka mid tahay, Booliska ka mid yahay iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Wasiir Kuxigeenka ayaa yiri “Qaar badan oo illaa 14 gaaraya ayaa loo soo xiray oo Saraakiil iyo askar ay ka mid yihiin, oo uu ugu sarreyo Taliyihii goobta masuulka ka ahaa.” Waxa uu sheegay inaanay jirin sabab loo qariyo macluumaadka ku aaddan baaritaanka socda, isla-markaana ay ka xun yihiin dhacdada lagu laayay askartaasi.

“Baaristaas iyada ah gacantaa lagu hayaa, wax la qariyo, ujeeddo loo qariyo iyo sabab loo qariyana ma jirto. Dadkaas waxaa weeye waa carruurteena, waa wiilasheena, kuwa maalin kasta dhimanaya ayay la mid yihiin, waana ka xunahay in taa ay dhacdo.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Cabdifitaax Qaasim oo sidoo kale ka tirsan Xildhibaan Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in laga dhur-sugo, illaa iyo inta laga soo geba-gabeynayo baaritaanka.

“Warbixintaas iyada ah waad la kulmi doontaan, waana la keeni doonnaa, hay’adaha ku shaqada leh illaa garsoorka ayay mari doontaa, kiiskaasna kiis caddaalad ku dhammaado ayuu noqon doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Cabdifitaax Qaasim oo intaasi ku daray “Marka kiiska mar hadduu furan yahay wax baa ku kordhi kara, wax baa iska dhimi kara 14-kii qof ee la qabtay, waxaa laga yaabaa qaar inaysan shaqo ku lahayn oo la iska sii daayo, qaar kaloo cusub in la keeno, maadaama hadda uu furan yahay kiiskaas aan u dayno hay’adaha ku shaqada leh ee hadda ku guda jira, illaa garsoorka uu ka aado.”

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa Isniintii isku qarxiyay ciidan ka tirsan kuwa Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka, xilli ay safaf ugu jireen gudaha xeradaasi.

Inta la ogyahay 25 askari ayaa ku dhimatay qaraxaasi, halka ku dhawad 70 kalena ay ku dhaawacantay weerarkan oo ay sheegatay Al Shabaab.

Ciidankan oo dhawaan laga keenay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa tababar dheeri ah ku qaadanayay xeradaasi, iyadoona loo diyaarinayay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Su’aalo ayaa ku gadaaman, sida ismiidaamiyuhu uu ku awooday in uu gudaha u galo xeradaasi ciidan, oo ka mid ah goobaha ugu ilaalada adag ee Caasimadda Muqdisho.

Weerarkan ayaa weji gabax ku ah Taliska cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana weerarkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ay Shabaabku ka gaystaan mid ka mida xeryaha ciidamada, tan iyo 19-kii bishii June, markaas oo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ay soo magacaabeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Axmed Aadan Cali, lana bedelay Taliskii hore.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in uu si dhab ah u baarayo dhacdadaasi, si sharciga loo horkeeno shakhsiyaadkii Shabaabka kala shaqeeyay falka lagu dhibaateeyay Ciidanka Guutada 14-ka October, waana xilli uu cadaadis ka haysto labada xafiis ee dalka ugu sarreya.

Guutada 14-ka October ayaa la aasaasay wixii ka dambeeyay weerarkii lixda boqol oo qof ku dhinteen ee 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aasaastay ciidamadan, si loogu xusuusto dadkii faraha badnaa ee ku naf waayay weerarkaasi argagixiso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc