Home Wararka Caalamka Dowladda Qatar oo joojisay in maraakiibteeda shidaalka ay maraan Badda Cas

Dowladda Qatar oo joojisay in maraakiibteeda shidaalka ay maraan Badda Cas

by Laacib

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay hakineyso isticmaalka maraakiibteeda shidaalka qaada ee Badda Cas, ka dib markii isbahaysiga Mareykanka ay duqeeyeen Xuuthiyiinta Yemen.

Shirkadda Tamarta Qatar ee QatarEnergy LNG ayaa shaacisay inay hakiyeen shixnadaha gaaska ee sii mara Badda Cas.

QatarEnergy ayaa illaa iyo hadda joojisay ugu yaraan shan ka mid ah maraakiibteeda oo siday gaaska dabiiciga ah, kuwaa oo marayay koonfurta Badda Cas, oo loo arko marinka ugu muhiimsan ee bartilmaameedka u ah Xoogaga Xuuthiyiinta.

Booyadaha shidaalka ee QatarEnergy ayaa ku biiray shirkadaha kale ee ka laabanaya adeegsiga marinka ganacsiga caalamiga ah.

Wasiirka Difaaca Ingiriiska, Grant Shapps ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka fiirsaneyso, haddii loo baahan yahay buu yiri duqayn dheeri ah.

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo badqabka maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee mareysa Badda Cas.

Weerarada reer galbeedka ee ka dhanka ah Xuuthiyiinta Yemen ayaa kaga sii dartay xiisadda muddooyinkii ugu dambeysay ka jirtay Badda Cas.

Dowladda Shiinaha ayaa ka walaacsan saamaynta ay ku yeelan karto danaheeda ganacsi ee ugu weyn marinka Suweys.

Xuuthiyiinta ayaa horaan caddeeyay inaanay iyagu duulaan ku ahayn maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, marka laga soo taggo maraakiibta u socota Israel iyo kuwa kale ee ay Israeliyiintu leeyihiin.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in hawlgalada militari ee Badda Cas ay ku taageerayaan shacabka Falastiiniyiinta ee Israel ku xasuuqeyso Gaza.

Xuuthiyiinta ayaa ku goodiyay inaanay ka daali doonin weerarada ka dhanka ah maraakiibta Israel, illaa iyo inta Israel ay ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza, isla-markaana ay fasaxeyso kaalmada bani’aadantinimo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc