Home Wararka Caalamka Dowladda Ruushka oo si adag uga hadashay dembiyada ka dhacaya Marinka Gaza

Dowladda Ruushka oo si adag uga hadashay dembiyada ka dhacaya Marinka Gaza

by Laacib

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay ka xun tahay weerarada sii kordhaya ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza, waxyeelada xoogana ay ka soo gaareyso dadka rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay inaanan indhaha uun laga daawan karin xasuuqa ka socda Gaza, isaga oo sheegay in baahi weyn loo qabo in la jebiyo wareegga ugu xun buu yiri ee rabshadaha.

“Waa in la jebiyaa wareegga ugu xun ee rabshadaha ee jiilalka Falastiiniyiinta ay la ildaran yihiin, waana in la joojiyaa caddaalad darrada.” Ayuu yiri Wasiirka.

Waxa uu sheegay inaanan la aqbali karin weerarada argagixiso iyo in looga jawaabo ciqaab wadareed lagu sameynayo buu yiri dadka rayidka ah, iyadoo markaasi la gaysanayo xadgudub weyn.

Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka oo la hadlay Wakaaladda Wararka Ruushka ee Tass ayaa sheegay in colaadda lagu soo afjari karo, iyadoo loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimo iyo dagaalka.

Waxa kaloo uu sheegay in weerarada lagu hayo shacabka Falastiiniyiinta oo la joojiyaa ay sahlayaan in laga gudbo caddaalad darrada, waana waxa keliya ee horseedi kara sida uu sheegay in nabad la helo.

“Waa lagama maarmaan in la joojiyo waxa socda, si meesha looga saaro caddaalad darrada. Tani waa sida keliya ee lagu heli karo xasillinta aagagga iska horimaadyada Falastiin & Israel iyo guud ahaan Bariga Dhexe.” Ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Falastiiniyiinta ay xaq u leeyihiin inay dhistaan dowlad ay leeyihiin oo laga hirgeliyo dhulkooda.

Wax kasta oo lagu soo afjarayo colaadda taagan ayuu sheegay in loo baahan yahay in ay sal u noqoto hirgelinta xuquuqda sharciga ah ee Falastiiniyiinta, si ay u dhistaan buu yiri dowlad u gaar ah.

“Dhammaadka doorasho kasta oo xalin ah waa in ay gacan ka gaysataa hirgelinta xuquuqda sharciga ah ee Falastiiniyiinta, si ay u dhistaan ​​dawlad u gaar ah oo laga dhiso dhulalka qaranka, oo ay ku jiraan Daanta Galbeed, Bariga Qudus (Jerusalem) iyo Marinka Gaza.” Ayuu yiri Lavrov.

Indhaha caalamka ayaa ku sii jeeda xiisadda ka oogan Bariga Dhexe, waana xiisadda Bariga Dhexe oo mid xasaasi ka ah dunida, taas oo ay ugu wacan tahay muddada dheer ee ay Israel gumeysiga ka waddo dhulka Falastiiniyiinta.

Gabood-faladan hadda ka socda Marinka Gaza ayaa dunida ka dhigtay tan loogu hadalhaynta badan yahay. Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa weerarada Gaza ku tilmaamay dembiyo dagaal oo Israel ay faraha kula jirto.

Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeysay in ay si cad ugu xadgudubtay sharciyada caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Hase yeeshee Israel ayaa sii waddo xasuuqa ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, xilli ay jirto carro caalami ah oo gumaadkeeda dadka rayidka ah laga muujiyay.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa mar sii horreysay sheegtay in tirada dhimashada ee dadka rayidka ah ay kor u dhaaftay 21,100 qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc