Home Wararka Caalamka Dowladda Sweden oo Shaqaalaha Safaaradeeda kala baxday Baghdad

Dowladda Sweden oo Shaqaalaha Safaaradeeda kala baxday Baghdad

by Laacib

Dowladda Sweden ayaa sheegtay in dhammaan Shaqaalihii Safaaradeeda Iraq ay ka daadgureysay Magaalada Baghdad, ka dib weerarkii Khamiistii.

Sweden ayaa sheegtay in howlihii Safaaradda ay si ku-meel-gaar ah ugu wareejisay Caasimadda Stockholm.

“Howlaha Safaaradda iyo Shaqaalaheeda Ajaaniibta ah ayaa si ku-meel-gaar ah loogu raray Stockholm, sababo amni dartood.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Taageereyaasha Muqtada al-Sadr ayaa aroornimadii Khamiista xoog ku galay Dhismaha Safaaradda, dabna qabadsiiyay, ka dib markii Booliska Sweden ay bixiyeen ogolaansho kale oo lagu gubayo Kitaabka Quraanka Kariimka iyo Calanka Iraq.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden, Tobias Billstrom ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin, sida uu yiri.

Wasiir Billstrom ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladdiisu ay ka soo horjeeddo aflagaadeynta Diinta Islaamka iyo gubista Quraanka Kariimka, ha yeeshee ma sheegin waxa ka hortaagan in ay wax ka qabtaan.

“Dowladda Sweden waxay fahamsan tahay in falalka guracan ee ay shakhsiyaadka ku kaceen bannaanbaxyada Sweden laga yaabo inay meel ka dhac ku yihiin Muslimiinta.” Ayuu yiri Billstrom.

Dowladda Iraq ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii dalkeeda ka ceyrisay Safiirkii Sweden ee dalkaasi, haweeneyda lagu magacaabo Jessica Svärdström, iyadoona saacado ka dib isaga baxday dalkaasi.

Mohammed Shia’ Al Sudani, Raysal Wasaaraha Iraq ayaa sheegay in tani ay jawaab u tahay ogolaanshaha Sweden ee soo noqnoqday ee lagu gubayo Quraanka Kariimka, laguna aflagaadeynayo xormada Diinta Islaamka iyo in dab la qabadsiiyo Calanka Iraq.

Dowladda Iraq ayaa si rasmi ah xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay Sweden.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc