Home Wararka Caalamka Dowlado ku baaqay in Israel ay ilaaliso sharciyada caalamiga ee bani’aadanimada iyo dagaalka

Dowlado ku baaqay in Israel ay ilaaliso sharciyada caalamiga ee bani’aadanimada iyo dagaalka

by Laacib

Dowladaha Masar, Talyaaniga iyo Mareykanka ayaa ku baaqay in Israel ay ilaaliso shuruucda caalamiga ee bani’aadantinimada iyo dagaalka, ka dib markii Maamulka Israel uu go’doomin dhameystiran ku soo rogay Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Sameh Shoukry oo Magaalada Qaahira ku qaabilay dhiggiisa Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sheegay inay ka wada hadleen, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda Israel iyo Xamaas.

Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo si wadajir ah ay u qabteen Antonio Tajani ayaa sheegay in sidoo kale ay ka wada hadleen, sidii looga hortaggi lahaa khatarta, burburka iyo weerar lagu qaado goobaha dadka rayidka ah, loona ilaalin lahaa xuquuqda dadka shacabka ah.

Waxa uu ku baaqay in Israel ay dhaqangeliso sharciga caalamiga ee bani’aadantinimada, isla-markaana ay furto wadiiqooyinka gargaarka bani’aadanimo lagu gaarsiin karo dadka rayidka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa dhankiisa ku baaqay in Israel ay is xakameyso, isla-markaana ay dhawrto xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay Masar weydiisteen in ay ka qayb qaadato dhexdhexaadinta lagu doonayo in Xamaas ay ku sii deyso dadka la haysteyaasha ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan laba ka mid ah muwaadiniinta Talyaaniga.

Sameh Shoukry, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay in Xukuumadda Qaahira ay xoojisay xiriirka ay leedahay saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan Falastiin iyo Israel, si loo joojiyo qulqulka dhiigga labada dhinac ee daadanaya, loona xakameeyo colaadda.

Waxa uu intaasi ku daray in dowladdiisu ay dooneyso in uu sii furnaado xadka Rafah, si gargaarka bani’aadanimo loo gaarsiiyo dadka aan waxba galabsan ee reer Gaza ee duulaanka uu ku socdo, dibna ay ugu heli lahaayeen adeegyada ay u baahan yihiin, sida korontada, biyaha, cunnada iyo dawooyinka.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo si weyn u taageeray jawaabcelinta Israel, ka dib weerarkii Xamaas ay Sabtidii ka gaysatay dhulka ay Israel haysato ayaa sheegay in Israel uu ka dalbaday in ay u hoggaansanto xeerarka caalamiga ah ee dagaalka, xilligan ay dagaalka kula jirto Xoogaga Xamaas.

Maamulka Israel ayaa la sheegay in uu xiray waddooyinka gala Gaza, xilli Masar ay maalin ka hor xirtay xadka Rafah ee ay la wadaagto Gaza, tani oo hoos u dhigtay dadka rayidka ee ka baxsanaya weerarada Israel.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 340,000 oo qof oo ka mid ah dadka ku dhaqan Gaza ay u suurtagashay in ay guryahooda ka cararaan, xilligan xasaasiga ah, waana tiro aad u yar, marka aad eegto tirada labada milyan ku dhow ee ku harsan magaalada, isla-markaana wajahaya go’doominta adag ee Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc