Home Wararka Caalamka Dowlado sheegay in Isniinta ay kow tahay bisha Ramadan iyo kuwo sheegay in Talaadada la soomi doono

Dowlado sheegay in Isniinta ay kow tahay bisha Ramadan iyo kuwo sheegay in Talaadada la soomi doono

by Laacib

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caawa ku dhawaaqday in Isniinta berrito ah ay kow tahay bisha barakaysan ee Ramadan.

Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa sheegtay in bilashada bisha laga arkay goobo ka mid ah dalkaasi, sidaasi daraadeedna ay 11-ka bisha March oo berrito ku beegan ay kow tahay bisha Ramadan.

Ku dhawaaqista curashada bisha, Dowladaha Islaamka oo Sacuudigu ugu horreyo ayaa dhaariya Muslimiinta sheega inay arkayn bisha.

Go’aaminta bilowga ah ayaa ku xiran xisaabinta dayaxa iyo aragtida dayaxa ee bisha cusub, iyadoona billaha Hijriyada ay intooda badan ku dhammaadaan 29-30 cisho.

Dowladaha Qatar iyo Emirate-ka Carabta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in bisha Ramadan ay bilaabaneyso Isniinta.

Dowladaha Oman, Iran, Pakistan, Malaysia, Brunei iyo Indonesia ayaa shaaciyay in Isniinta ay dhameystiri doonaan 30-ka cisho ee bisha Shacbaan, maalinta xigtana ay u bilaaban doonto bisha Ramadan.

Bisha Ramadan waa bisha ugu fadliga badan billaha Islaamka, waxayna ummadda Muslimiinta soomaan inta ay qoraxda ka soo baxeyso, illaa iyo inta ay ka dhaceyso, muddo 29 illaa 30 maalmood ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc