Home Wararka Caalamka Dunida oo cambaareysay adeegsiga Mareykanka ee Veto

Dunida oo cambaareysay adeegsiga Mareykanka ee Veto

by Laacib

Dunida ayaa si kulul u cambaareysay tallaabada uu Mareykanku isku hortaagay in si degdeg ah loo soo afjaro colaadda Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa xalay mar kale is hortaagay qaraarka Qaramada Midoobey oo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Gaza iyo in gargaar macno leh la gaarsiiyo dadka rayidka ah. Qaraarkan ayaa waxaa soo diyaariyay dalka Algeria oo xubin ka ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Codeynta oo ahayd mid ay codeynayeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u dhacday 13 taageeray qaraarka iyo Mareykanka oo diiday, halka Ingiriisku uu ka aamusay, tani oo ka turjumeysa sida caalamka uu u doonayo in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Gaza.

Safiirka Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey, Amb. Vassily Nebenzia ayaa sheegay in diidmada Mareykanka ay bog kale oo madow ku tahay taariikhda Golaha Ammaanka.

Vassily Nebenzia ayaa Mareykanka ku eedeeyay in ay isku dayayaan in Israel ay waqti kale u siiyaan, si ay u sii waddo qorshaheeda ka baxsan bani’aadantinimada ee ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Nebenzia ayaa tilmaamay in Israel ay dooneyso in shacabka Falastiiniyiinta ay ka sifeyso Marinka Gaza, taas oo ka hor imaaneysa shuruucda caalamiga ah.

Danjiraha Shiinaha ee Qaramada Midoobey, Zhang Jun ayaa Mareykanka ku dhalleeceeyay inaanu ku qanacsanayn joojinta xasuuqa ka socda Marinka Gaza.

“Veto-ga uu Mareykanku adeegsaday waxa uu dirayaa farriin khaldan, isaga oo xaaladda Gaza ku riixaya mid aad u khatar badan.” Ayuu yiri Danjiraha.

Danjiraha ayaa yiri “Diidmada xabad joojinta Gaza ayaan ka duwanayn siinta iftiinka cagaaran, ee ah in gowraca uu sii socdo, waana calaamad cagaaran oo ogolaaneysa gumaadka joogtada ah ee Israel ka waddo Gaza.”

Danjiraha Shiinaha ayaa intaasi ku daray “Marka la joojiyo ololka dagaalka Gaza oo keliya ayay dunidu ka hortagi kartaa in dabka cadaabta uu ku fido gobolka oo dhan.”

Faransiiska oo ka mid ah xulafada Mareykanka ayaa xitaa cambaareeyay is hortaagga Washington ee qaraarka xabad joojinta Gaza.

Safiirka Faransiiska u jooga Qaramada Midoobey, Amb. Nicolas de Riviere ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay inaanan la joojin colaadda Gaza, marka loo eego masiibada bani’aadantinimo ee ka dhalatay duulaanka Israel.

Danjiraha Algeria ee Qaramada Midoobey, Danjire Amar Bendjama ayaa isna sheegay in tani ay cawaaqib xumo ku yeelan karto Bariga Dhexe iyo guud ahaanba caalamka.

“Fariintayada aan maanta idiin soo gudbinayno waa in Beesha Caalamku ay ka jawaabto baaqyada soo afjaraya gumaadka Falastiiniyiinta, iyagoo ku baaqaya xabad joojin degdeg ah. Dhammaan kuwa caqabadda ku ah baaqyada ceynkaas ah waa inay dib u eegaan siyaasadooda iyo xisaabtooda, sababtoo ah go’aanada khaldan ee maanta waxay khasaare ku yihiin gobolka iyo adduunkeenna berrito.” Ayuu yiri Danjire Amar Bendjama.

Inta badan dowladaha dunida ayaa cambaareeyay codka diidmada qaxayan ee Mareykanka uu isku hortaagay soo afjaridda weerarada baahsan ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Gaza.

Waa markii 3aad oo Mareykanka uu Veto u adeegsado qaraar ay Qaramada Midoobey ku codsaneysay in la soo afjaro dagaalkan 5-ta bilood ka sii socda Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc