Home Wararka Maanta Duqa Garoowe oo sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwii ka dambeeyay weerarka Xildhibaan Dhaashane

Duqa Garoowe oo sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwii ka dambeeyay weerarka Xildhibaan Dhaashane

by Laacib

Duqa Magaalada Garoowe, Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud (Geeddi) ayaa ka hadlay weerarkii xalay ay kooxo hubeysan magaaladaasi ugu gaysteen Xildhibaan Cabdiqani Nuur Aw-Faarax (Dhaashane) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Kooxahan oo wejiyada soo duubtay ayaa weeraray gaari uu la socday Xildhibaanka, mar uu hor marayay afaafka hore ee hoyga uu ka degan yahay magaaladaasi.

Duqa Garoowe ayaa sheegay inuu ka xun yahay weerarkaasi, oo sida uu sheegay lagu qalqal-gelinayo amniga iyo kala dambeynta ee magaalada.

“Waxaan ka xumahay in caasimadda jirdil loogu gaysto Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.” Ayuu yiri Duqa Garoowe.

Waxa kaloo uu yiri “Tallaabadan waa qalqal-gelin amniga caasimadda oo hoy u ah ummadda Puntland oo dhan. Dad isugu jira masuuliyiin xasaanad leh iyo shacab ayay xudun u tahay oo ku nool.”

Duqa Garoowe ayaa hoosta ka xariiqay inaanan la aqbali doonin in qof muwaadin ahi lagu dhibaateeyo magaalada, cid kasta oo falkaasi ka dambeysayna lala tiigsan doono sharciga.

“Ciddii falkaasi gaystay waxay liddi ku yihiin amniga, kala dambeynta iyo horumarkeenna. Sidaasi darteed lama ogolaanayo in qof lagu dhibaateeyo caasimadda, qof kasta oo arrintan ku caddaatana sharciga ayaa la marsiinayaa.” Ayuu yiri Duqa Garoowe

Duqa Garoowe ayaa warkan ku sheegay boggiisa xiriirka bulshada ee Facebook.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc