Home Wararka Maanta Duqa Muqdisho oo digniin ka soo saaray qodista Khabuuraha Macalin Nuur (SAWIRRO)

Duqa Muqdisho oo digniin ka soo saaray qodista Khabuuraha Macalin Nuur (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inaanu aqbali doonin in la soo faago Khabuuraha Macalin Nuur ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Khabuurahan oo ku yaala deegaanka Garasbaaley ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeysay laga soo saarayay lafaha ahlu khabuur muddo dheer ku aasnaa khabuurahaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta gaaray Khabuuraha Macalin Nuur ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo damac uu kaga jiro dhulka khabuuraha.

“Khabuurahan tan iyo xilligii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre joogtay ayaa dadka lagu aasayay, illaa iyo wixii ka dambeeyaa lagu aasayay. Macalin Nuur intii uu joogaa waqaf laga dhigay, intaasna waxaa lagu aasayay dadka Soomaaliyeed ee ku geeriyooday Magaalada Muqdisho iyo qaar xitaa ku dalka dibaddiisa ku geeriyooday ayaa la keenayay. Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan arki jirnay dad nool oo la barakicinayo ee dad dhintay oo la barakicinayo arki ma jirin, waxay joogtaa maanta in dadkii meydka ahaa la barakacinayo. Waxaan halkan u joogaa maanta anigoo ah Duqii Magaalada Muqdisho, sababta i keentayna ay tahay, markaan aragnay khabuuro/meydka la barakacinayo, calaa kuli xaal, ciddii shalay waqaftay ogaal ayay ku waqaftay, ciddii dhiibtay ogaal bay ku dhiibtay, maanta inay tiraahdo dhulkaygiiyaa dib ula laabanayaa, suuragal ma ahan.”

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Waaxda Dhulka ee Dowladda Hoose iyo maamulka deegaanka ay nashqad ka samayn doonaan qaybta khabuuraha ee dhulkaasi, ka dibna ay qoyska Macalin Nuur ka codsan doonaan in ay darbi ku wareejiyaan.

“Dhulkaani waa khabuuro, inta khabuuraha ahna waxaan u soo diri doonnaa Waaxda Dhulka, nashqad ayay ka sameynayaan ayaga iyo maamulka deegaanka, ka dibna reer Macalin Nuur ayaan ka codsan doonnaa inay darbi ku wareejiyaan.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

“Khabuure, sideedaba dowladdaa masuul ka ah, dowladday masuuliyaddeeda ay fuuleysaa, haddii masuuliyaddaas ay dayacantana dowladda oo dayacday ayay u ekaanaysaa.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray inaanu jiri karin qabri dambe oo sida uu sheegay la qodi karo, isla-markaana ay dowladdu ka masuul tahay ilaalinta goobaha ay meytida ku aasan yihiin.

“Waxaan masuul ka nahay dadka, sidaan dadka nool masuul uga nahay ayaa kuwa dhintayna masuul uga nahay. Marka suuragal ma ahan in lagu xadgudbo dadka meydka ah.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc