Home Wararka Maanta Duqa Muqdisho oo gaaray furimaha hore, si dagaalka wax uga hoggaamiyo (SAWIRRO)

Duqa Muqdisho oo gaaray furimaha hore, si dagaalka wax uga hoggaamiyo (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Isniintii gaaray furimaha hore ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha ayaa ku biiraya masuuliyiinta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee wax ka hoggaaminaya hawlgalada ka socda deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa deegaanada Nuur Dugle iyo Caddaanlaxey ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee loo diyaariyay in dagaalka ka qayb qaataan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Duqa Muqdisho uu gobolkaasi u tegay dardargelinta gulufka dagaal ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Gobolka ayaa waxaa horey ugu sugnaa Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, si ay gacan uga gaystaan dagaalka la doonayo in maleeshiyada lagaga saaro gobolkaasi.

Duqa Muqdisho oo ciidamada kula hadlay deegaanadaasi ayaa kula dardaarmay in ay daacad ka noqdaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Waxa uu ballanqaaday in wixii karaankooda ah ay wax ka qaban doonaan baahiyaha ay qabaan ciidamada iyo caqabadaha kale ee ku gadaaman dardargelinta hawlgalada.

Duqa Muqdisho ayaa toddobaadkii hore sheegay inaanan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu eegan doonin hoggaaminta dagaalka, ee uu u joogo Gobolada Dhexe, isla-markaana ay ku garab istaagi doonaan.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa xilligan Gobolka Shabellaha Dhexe ka wado hawlgal maleeshiyada Shabaabka lagaga saarayo goobaha ay kaga harsan yihiin dhanka bari ee Webiga Shabelle, ka hor inta aanay maleeshiyadaasi ka saarin daanta galbeed ee gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc