Home Wararka Maanta Duqa Muqdisho oo si adag ugu hanjabay ganacsatada iyo odayaasha

Duqa Muqdisho oo si adag ugu hanjabay ganacsatada iyo odayaasha

by Laacib

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku hanjabay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan odayaasha iyo ganacsatada diidan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay xabsiga ku hubsan doonaan kuwa ka soo horjeeda la dagaalanka kooxaha argagixisada ee caqabadda ku ah amniga dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Haddii hadalku shaqeyn waayo, ficilaa ku daraynaa, dad badanoo xabsiga ku jirana waad arki doontiin. Odayaal akhyaar isu haysto iyo ganacsatada waa dhuumanayaan maalin kasta, wuxuu ka cabsanaya cadowga Shabaab, adigana kaa cabsan mayo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa yiri “War annagoo dowlad ah, haddii ay naga cabsan waayeen, Shabaab-na ay ka cabsanayaan waxaan tusaynaa in annagana na laga cabsan karo.”

Waxa kaloo uu yiri “Waan ka daba gaynaynaa, qof aan ka yeelayno ma jirto Allah ayaa igu og, been idiin sheegi mayno, xabsigaa lagu urayaa, hadday iman waayaan kulamada dadkooda ay isugu imaanayaan, Shabaabaa kuu jeedo keliya ama afka la duubanayo markii meelaha la joogo, iyadoo Shabaab laga cabsanayo, dowladdiina ay ku leedahay war kaalay, ila soco, iga war qab, aan wada socono aad diiddo, cid laga yeelayo ma jirto.”

Duqa Muqdisho oo la hadlayay bulshada ku dhaqan caasimadda ayaa ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan dagaalka dalka looga saarayo maleeshiyadaasi.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in maleeshiyada Shabaabka lagu la dagaalamo goobaha ay ku sugan yihiin, haddii kalena ay hadhow carqaladeyn doonaan xasilloonida caasimadda.

“Waa waajib na saaran cadowga meesha uu jiro inaan kula dagaalano, maxaa yeelay haddii uu soo dhaafo meelaha uu joogo, meeshii aad ku sugeysay waa Xamar, Xamar-na nabad ku joogi mayno.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Marka waxaan qabaa inaan u diyaargarowno kulligeenba, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, culimo iyo caamo, aqoonyahan iyo cid kastaba, sidii aan u bixi lahayn.”

Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xusay in maamulkiisa oo ay qayb ka yihiin kuwo degmooyinka ay daba-yaaqada toddobaadkan tagi doonaan furimaha dagaalka, isla-markaana ay ku wehlin doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bartamaha dalka ka hoggaaminaya hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar sii horreysay sheegay inaanu dagaalku istaagi doonin, inta Shabaabku ku sugan yihiin taako ka mid ah dhulka jamhuuriyadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc