Home Wararka Maanta Duqayn dad ku dhinteen oo ka dhacday Gobolka Gedo (SAWIRRO)

Duqayn dad ku dhinteen oo ka dhacday Gobolka Gedo (SAWIRRO)

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar dhinaca cirka oo ka dhacay deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Ciidanka Cirka Kenya ayaa xalay bartilmaameedsaday guryo ku yaala deegaankaasi, oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen jugta illaa afar gantaal, qaarkoodna ay ku dhaceen guryo la degan yahay.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyooday duqayntaasi, halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mida dadka duqaynta ku geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi, kaas oo deegaanka laga garanayay.

Sidoo kale xaaskii sheekha iyo carruur uu dhalay ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay duqayntaasi.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ay duqayntu ka dhacday ayaa muujinaya dhowr guri oo burbur xoogan uu ka soo gaaray.

Ceelcadde oo maleeshiyada Al Shabaab ay ka arrmiyaan ayaa qiyaastii 60km u jira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Inkastoo Kenya aysan weli ka hadlin duqayntan, haddana militarigeeda ayaa inta badan weeraro dhinaca cirka ah ka gaysta deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc