Home Wararka Maanta Duqayn ka dhacday Xerada Sheekh Maxamed Raage iyo khasaare badan oo jira

Duqayn ka dhacday Xerada Sheekh Maxamed Raage iyo khasaare badan oo jira

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya duqayn xoog leh oo maanta ka dhacday deegaanka Dumaaye, oo hoostagga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ay saakay si ba’an u garaaceen Xerada Sheekh Maxamed Raage, oo ku taala afaafka hore ee deegaankaasi.

Xeradan ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay deganaa maleeshiyada Al Shabaab, waxaana loo arkaa goob muhiim u ah joogitaankooda Koonfurta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Degmada Xarardheere, Maxamed Deeq Yuusuf Kulmiye ayaa sheegay in xilligii ay duqayn dhaceysay uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in khilaaf Shabaabka dhexdiisa ah uu jiray, lana doonayay in shirkaasi lagu xaliyo.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ku dhawaad laba boqol oo nin lagu dilay weerarka dhinaca cirka ee Sabtidan ka dhacay xeradaasi.

“Kuwii ka soo badbaaday dagaalkii Cowsweyne ayaa meesha soo galay, halkaasaana lagu afjaray.” Ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Deeq.

Marka laga soo taggo hadalka Gudoomiyaha, dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaare lixaad lihi uu maleeshiyadu ka soo gaaray duqayntaasi, isla-markaana gelinkii dambe ee maanta ay meydadkoodu ku aaseen dhulka hawdka ee Dumaaye iyo Dabagalo.

Duqayntan ayaa lagu sheegay tii ugu waxyeelada badneyd ee xubnaha Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, muddadii ay ka hawlgalayeen.

Duqayntu waxay imaanaysaa, xilli la abaabulayo hawlgal ballaaran oo qorshuhu yahay in ciidamada iyo xoogaga deegaanka ay ku xoreeyaan deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan koonfurta gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc