Home Wararka Maanta Duulaanka Israel ee Gaza iyo cawaaqibka ka dhashay

Duulaanka Israel ee Gaza iyo cawaaqibka ka dhashay

by Laacib

Lix bilood ayay maanta ku buuxdaa, tan iyo intii ay colaadda dib uga soo dhex cusnoonaatay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel, iyadoo duulaanka Israel ee Gaza uu ka dambeeyay, ka dib weerarkii lama filaanka ahaa ee ay Xamaas 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Israel oo ka aargudaneysa weerarkaasi ayay ciidamadeedu bilaabeen inay duqaymo culus ka gaystaan Marinka Gaza, waxaana xigay hawlgalkii dhinaca dhulka ee ay militarigeeda 27-kii bishaasi ku qaadeen Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xilligaasi ku hanjabay in ay si adag uga aargudan doonaan dilka ay Xamaas u gaysatay 1,200 oo qof oo Israeliyiin ah, xoogna ay ku soo furan doonaan in ka badan 200 oo Israeliyiin ah oo sida uu sheegay la qafaalay.

Ciidamada Israel ayaa Gaza ka gaystay burbur baahsan, iyagoo si khasab ah guryahooda uga barakaciyay ku dhawaad laba milyan oo ka mid ah bulshada ku nool dhulka sida weyn loo go’doomiyay.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in Ciidamada Israel ay burburiyeen inta badan dhismayaashii Gaza, oo ay ku jiraan kaabeyaasha rayidka.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa horaan sheegtay in 1.9 milyan oo qof oo ka mid ah 2.3 milyan oo ku nool Marinka Gaza lagu khasbay in ay guryahooda ka barakacaan.

Inta la xaqiijiyay duulaanka Israel ee Gaza ayaa waxaa ku naf waayay 33,173 qof oo dad shacab ah, halka in ka badan 75,815 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay Sabtidii shalay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Dhibaneyaasha ayaana u badan dumar iyo carruur.

Sidoo kale muddadii lixda bilood ahayd ayay Ciidamada Israel 456 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dileen Daanta Galbeed ee la haysto, halka kumanaan kalena ay xabsiyada dhigeen. Xaalad kacsanaan ah ayaa billahaanba ka jirtay Daanta Galbeed, taas oo la xiriirta colaadda Gaza.

Dilalka aan kala sooca lahayn ee Israel ka gaysaneyso Gaza ayaa dhaliyay carro caalami ah, waxayna dadka gobolka iyo bulshada caalamkaba ay ka careysan yihiin waxa ka socda dhulkaasi.

Xoogaga ay Iran taageerto oo si weyn uga dhiidhiyay weerarada arxan-darrada ah ee Israel ayaa bilaabay weeraro ay kaga falcelinayaan xasuuqa ka dhanka ah dadka reer Gaza.

Iran ayaa dalalka gobolka qaarkood ka sameysay isbahaysi militari, oo la magac-baxay (Dhidibka iska caabinta), waana shakabado isku xiran oo intooda badan ka hawlgala dalalka Lubnaan, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen.

Ururka Xisbullah ee ka arrimiya koonfurta dalka Lubnaan ayaa wada gantaalo ay ku garaacayaan waqooyiga Israel, kuwaa oo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza.

Xoogaga Xuuthiyiinta ee ka arrimiya inta badan dalka Yemen ayaa sidoo kale isku dayaya in ay go’doomiyaan Dekedaha Israel, waxayna bartamihii bishii November bilaabeen inay weeraraan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee dekedaheeda ku wajahan, iyadoo aan loo eegeyn dalka laga leeyahay.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa bishii January ballaariyay weeraradooda maraakiibta, ka dib markii Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ay 12-kii bishaasi bilaabeen in ay dalka Yemen ka gaystaan hawlgalo xagga cirka ah, oo sida ay sheegeen lagu joojinayo weerarada ay Xuuthiyiinta ku hayaan maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa xilligaasi ku dhawaaqay in gardarrada Mareykanka iyo Ingiriiska ay kaga jawaabi doonaan inay si sharci ah u bartilmaameedsadaan maraakiibtooda ku sugan gobol, tiiyoo ay ka dhabeeyeen.

Weerarada Xuuthiyiinta ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa si weyn u xadiday isu socodka maraakiibta ku goosheysa marin biyoodyadaasi.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan beegsigooda maraakiibta, illaa iyo inta ay reer galbeedka ka soo afjarayaan duulaanka Israel ee Gaza.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa gobolka ka abuuray dareen xun, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda aadka u sarreyso ay faraha ka baxdo, haddii aan xal degdeg ah loo helin colaadda xudunteedu tahay Gaza.

Xulafada reer galbeedka ee Israel oo Mareykanka uu hormuud u yahay ayaa maalmihii la soo dhaafay muujiyay, sida ay Israel ugu cadaadinayaan in ay miiska wada hadalka ku laabato, si ay Xamaas ula gaarto heshiis xabad joojin degdeg ah, si maxaabiis is dhaafsi loo sameeyo, lix bilood ka dibna colaadda loo soo afjaro, iyadoo laga hortaggayo in colaadda Gaza ay ku baahdo meelo badan oo gobolka ka mid ah.

Netanyahu ayaa marar badan ku celceliyay inaanay joogin doonin weerarada ay ku hayaan Ururka Xamaas, isla-markaana ay gaarsiin doonaan heer quus ah, si aanay dib dambe wax weerar ah ugu soo qaadin Israel, balse Ciidamada Israel ayaa la fahamsan yahay in ay qir iyo qarba ka joogaan dagaalkan, ayna jeclaan lahaayeen in si degdeg ah loo soo afjaro.

Israel ayaan illaa iyo hadda xaqiijin hadafkeedii dagaalka, oo Netanyahu uu ku kala sheegay burburinta Xamaas, in la haysteyaasha Israeliyiinta xoog lagu soo furto iyo in Gaza laga dhigo meel aan mustaqbalka khatar amni ku ahayn Israel.

Ururka Xamaas oo ka arrimiya Marinka Gaza ayaa xujo ku noqday Israel, oo dagaalkan uu uga dhigan yahay midkii ugu adkaa ee ay ka gasho Bariga Dhexe, tan iyo aasaaskii dowladnimadeeda.

Xamaas waa dhaqdhaqaaq Islaami oo gobanimo doon ah, waana cududda ugu weyn ee wax iska caabineed ee ay maanta leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc