Home Wararka Caalamka Duulaanka Israel ee Gaza oo galay maalintii 100aad

Duulaanka Israel ee Gaza oo galay maalintii 100aad

by Laacib

100 maalmood ayay maanta ku buuxdaa, tan iyo intii ay colaadda dib uga soo dhex cusnoonaatay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel, colaaddan oo ka dambeysay, ka dib weerarkii lama filaanka ahaa ee ay Xamaas 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Ciidamada Israel ayaa xilligaasi bilaabay duqaymo baahsan oo ay ka gaysanayaan Marinka Gaza, iyadoona ay Israel ku sheegtay mid ay kaga aargudaneyso weerarkii Xamaas oo sida la sheegay lagu dilay 1,200 oo qof oo Israeliyiin ah.

Israel ayaa tallaabadii xigtay ee ay qaadday, waxay noqotay in ciidamadeeda ay 27-kii bishaasi ay dhinaca dhulka ka weeraraan Gaza, si looga takhaluso waxa ay ku sheegeen argagixisada Xamaas.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay saddex ujeeddo oo laga leeyahay hawlgalka Gaza, oo uu ku kala sheegay burburinta Xamaas, in la haysteyaasha Israeliyiinta xoog lagu soo furto in Gaza laga dhigo meel aan mustaqbalka khatar amni ku ahayn Israel.

Ciidanka Difaaca Israel oo haatan bishii 4aad ka dagaalamaya Marinka Gaza ayaan illaa iyo hadda ku guuleysan mid ka mid ah hadafkii dagaalka, marka laga soo taggo in ay burburiyeen inta badan dhismayaasha Gaza, ku dhawaad laba milyan oo qofna ay ku khasbeen inay guryahooda ka barakacaan.

Ciidamada Israel ayaan xitaa ku guuleysan inay soo furtaan mid ka mid ah la haysteyaasha. Hoggaamiyaha Xamaas, Ismail Haniyeh ayaa sheegay inaanay marnaba Israel awoodi doonin inay guryahooda dib ugu celiso la haysteyaasha, iyadoo aanay Xamaas sii deynin.

Daba-yaaqadii bishii November heshiis maxaabiis is weydaarsi ah oo dhex maray labada dhinac ayaa keentay in Xamaas ay xabsiga ka sii deyso 80 qof oo reer Israel ah, halka Israel ay dhankeeda xabsiga ka sii deysay 210 qof oo Falastiiniyiin ah. Waxaa xusid mudan in Xamaas ay xabsiga ka sii deysay tobanaan kale oo ajaaniib ah, oo ay ku soo qafaalatay weerarkii 7-dii October, balse sii deynta dadkaasi qayb ka ahayn heshiiskii labada dhinac.

Xoogaga Falastiiniyiinta ayaa la aaminsan yahay in ay Marinka Gaza ku hayaan ku dhawaad 136 qof oo Israeliyiin ah.

Magaalada Tel Aviv ayaa waxaa Sabtidii ka bilowday dibadbaxyo lagu dalbanayo in Israel ay wareeg kale oo maxaabiis is dhaafsi ah ay la gasho Xamaas, si guryahooda ay dib ugu soo laabtaan dadka kale ee weli lagu haysto Gaza.

Qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha oo sheegay in ay xusayaan 100-ka maalmood ee ka soo wareegatay muddada la haysteyaasha lagu haysto Gaza ayaa sheegay inay doonayaan in maamulku uu si degdeg ah ku soo celiyo xubnaha ka maqan.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee la dilay, tan iyo 7-dii bishii October ay gaartay 23,843 qof, halka tirada dadka dhaawacmayna ay ku sheegtay 60,317 qof.

Ugu yaraan 82 Saxafi iyo Shaqaale Warbaahineed ayaa lagu dilay dagaalka. 75 ka mid ah ayaa ah Falastiiniyiin, afar u dhashay Israel iyo saddex kale oo Lubnaan u dhashay, sida uu sheegay Guddiga Diraaca Saxafiyiinta ee CPJ.

Duulaanka naxariis darada ah ee Israel ayaa Gaza ka dhigtay mid burbursan, iyadoo dadkii la barakaciyay ay intooda badan isugu taggeen dhulka ciriiriga ah ee jiidda koonfureed ee Gaza.

Marinka Gaza kama jirto meel nabdoon oo dadka rayidka ah ay ku nabad geli karaan, sida uu sheegay Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ee MSF, waxaa intaasi u dheer cunto la’aanta, sahayda dawada ee gabaabsiga ka sii ah goobaha caafimaadka, shidaalka la hortaagan yahay, adeegyadii biyaha iyo korontada oo kol hore laga jaray dadka deegaanka, waana ciqaab wadareed ay Qaramada Midoobey ku sheegtay wax u dhigma dembi dagaal.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar sii horreysay waxa uu Israel ku eedeeyay in ay si cad ugu xadgudubtay shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Sanadka cusub ayaa curtay, iyadoo Israel ay sii waddo dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysaneyso Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc