Home Wararka Maanta Emirate-ka Carabta oo war ka soo saaray toogashada ka dhacday Muqdisho

Emirate-ka Carabta oo war ka soo saaray toogashada ka dhacday Muqdisho

by Laacib

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa ka hadashay weerarka toogashada ah ee xalay Saraakiisheeda loogu gaystay Xerada Tababarka General Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Nin askari ah ayaa toogashada ka gaystay gudaha xerada, xilligii Salaadda Maqribka la tukanayay, isagoona beegsaday xubno ka mid ah Saraakiisha ajnabiga ee tababara Ciidamada Dowladda Somaliya.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Emirate-ka Carabta ayaa lagu sheegay in toogashada lagu dilay saddex ka mid ah Saraakiishooda iyo Sarkaal kale oo u dhashay dalka Bahrain.

Wasaaradda ayaa bayaankeeda ku sheegay in sidoo kale ay weerarka ku dhaawacmeen laba Sarkaal oo kale.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Saraakiisha la dilay ay ku howlanaayeen tababarka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah heshiis laba geesood ah oo dhinaca ciidamada ah.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarka ayaa qoraal ku sheegtay in weerarka lagu dilay 17 Sarkaal, oo ay qayb ka yihiin Saraakiisha Emirate-ka Carabta.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in xilligii weerarka uu dhacayay ay xerada ku sugnaayeen 20 Sarkaal, oo isugu jira Emiratis, madow iyo caddaan, ay Abu Dhabi soo kireysatay, sida qoraalka lagu sheegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartiisa Facebook ku cambaareeyay weerarka, isaga oo laamaha amniga faray inay si degdeg ah u baaraan dhacdadaasi.

“Waxaan sida ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan waqtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeenna iyo dib-u-dhiska ciidamadeenna, anigoo faraya laamaha amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan, waxaana ballanqaadaynaa in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo soo abaabushay falkan guracan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xerada General Gordon oo ku taala Waddada Warshadaha ayaa waxaa maamusha Dowladda Emirate-ka Carabta, waana xero lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee ku biiraya kuwa Dowladda Federaalka.

Weerarka ayaa imaanaya, xilli labada dowladood uu muddooyinkii ugu dambeysay ka dhaxeeyay heshiis dhanka ciidamada ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc