Home Wararka Caalamka Erdogan oo sheegay in Netanyahu uu ka daran yahay Hitler

Erdogan oo sheegay in Netanyahu uu ka daran yahay Hitler

by Laacib

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu la barbardhigay Adolf Hitler, Hoggaamiyihii hore ee Jarmalka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in xasuuqa uu Netanyahu ka gaysanayo Marinka Gaza uu la mid ah xasuuqii Naasigii Jarmalka u gaystay Yahuudda.

“Waxay si aad ah uga hadli jireen Hitler, maxaad kaga duwan tihiin Hitler? Waxay doonayaan inay naga dhaadhiciyaan Hitler. Netanyahu ma wuxuu sameynaya wax ka yar, wixii uu sameeyay Hitler? Dabcan maya.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo Arbacadii ka hadlayay xaflad abaalmarin ah oo ka dhacday Caasimadda Ankara.

Madaxweynaha ayaa su’aal geliyay farqiga u dhaxeeya Netanyahu iyo Hitler, isagoona tibaaxay in Netanyahu uuba ka daran yahay Hitler.

“Wuxuu ka daran yahay Hitler, wuxuu taageero ka helaa reer galbeedka, dhammaan noocyada taageerada waxay ka yimaadaan Mareykanka, maxayse ku sameeyeen taageeradaas oo dhan? Waxay dileen in ka badan 20,000 oo dadka reer Gaza ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa tan iyo bishii October si kulul u weerarayay Maamulka Israel, sababo ku aaddan gacanta adag ee ay ciidamadooda ku wajahayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Erdogan ayaa Israel ku tilmaamay dowlad argagixiso oo taageero aan xadidneyn ka heleysa dalalka reer galbeedka.

Xaaladda daran ee bani’aadantinimo ee Israel ka abuurtay Gaza ayaa dunida ka dhalisay carro caalami ah, taasoo si adag loogu dhalleeceeyay Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc