Home Wararka Maanta Ex Madaxweyne Shariif oo soo jeediyay in dowladdu la timaado istiraatiijiyad ka duwan middii hore

Ex Madaxweyne Shariif oo soo jeediyay in dowladdu la timaado istiraatiijiyad ka duwan middii hore

by Laacib

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale muujiyay taageeradiisa ku aaddan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo garab istaaggiisa Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in mowqifkiisa la dagaalanka maleeshiydaasi uu yahay mid soo jireen ah, oo aan marnaba waxba iska bedelin.

“Mowqifkeenna ku aaddan la dagaalanka cadowga waa mid soo jireen ah, oo aan marnaba is bedelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taaganahay dagaalka Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Waxa uu sheegay inaanay ka aamusi doonin khaladaadka jira ee sida uu yiri sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa, isla-markaana ay tahay in masuuliyaddaasi ay qaataan dadka ay khuseyso, haddii kalena ay la yimaadaan qorshe dagaal oo ka duwan midkii hore.

“Khaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyaddiisana waa in dadka ay khuseyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyadda iyo qorshe ka duwan midkii hore.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed oo muujiyay in dalka difaaciisa loo siman yahay ayaa sheegaya inaanay cidina uga waaban doonin inay dayacmaan ciidamada dhiigooda u huraya dib-u-xoreynta dalka.

“Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heybaysanayno inaan difaacno xuquuqdooda.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu soo jeediyay inaanan la siyaasadeyn hawlgalka militari ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada, si masuuliyad ahna loo wajaho, sidii dalka looga saari lahaa kooxahaasi.

“Mar kale, waxaan codsanaynaa inaan la marin habaabin dagaalka lagu la jiro argagixisada, lana siyaasadeyn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen.” Ayuu yiri Shariifka oo intaasi ku daray “Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasadeed iyo xiriir caalami ah oo is garabsocdo, natiijadiisuna tahay dib-u-xoreynta dalka.”

Ex Madaxweyne Shariif ayaa warkan ku sheegay qoraal uu maanta shacabka kula wadaagay bartiisa Facebook.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Arbacadii booqday ciidamada degan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo sida uu yiri xagal-daacinaya halganka uu dhiigga badan u soo daatay.

“Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la mija xaabiyo, cid walba waa lagu la xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar u ah duruufta ugu adag in ay kula dagaalamaan cadowgooda, waxaad u dhimanaysaan, u gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo fagaare kula hadlayay Ciidanka Xoogga Dalka.

Raysal Wasaare Barre ayaa xilligaasi sheegay in dagaalku uu sii socon doono, inta ay argagixisadu ku harsan tahay sida uu yiri taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliya, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay garab iyo gaashaanba u noqdaan ciidamada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc