Home Wararka Maanta Ex Madaxweyne Shariif “Waxaa loo baahan yahay dadaal iyo ka shaqayn, intaan ka badan”

Ex Madaxweyne Shariif “Waxaa loo baahan yahay dadaal iyo ka shaqayn, intaan ka badan”

by Laacib

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta hadal ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa xaadiray kulan ay Xildhibaanadu ku lahaayeen Magaalada Muqdisho, isagoona bogaadiyay dadaalka ay dowladdu ugu jirto, sidii dalka looga ciribtiri lahaa maleeshiyada Al Shabaab.

“Waxaan rabaa inaan bogaadiyo la dagaalanka argagixisada iyo dadaalka socda, runtiina waa arrin fiican, maantana ciidamadu waxay soo gaareen heer rajo laga qabo.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa Xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeedba ku booriyay in ay ka qayb qaataan dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

“Waxaa loo baahan yahay dadaal iyo ka shaqayn intaan ka badan in la geliyo dagaalka.” Ayuu yiri Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed.

Ka dib guulihii ay ciidamadu ka gaareen wejigii hore ee hawlgalka, dad badan ayaa is tusay in muddo kooban lagaga adkaan karo maleeshiyada Shabaabka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay inaanan loo kala harin dagaalka maanta socdo, si aanay Shabaabku ugu helin fursad dambe ay dib isaga soo abaabulaan.

Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa muujiyay in ciidamadu ay kaalmo u baahan yihiin, ayna tahay in lagu garab istaaggo hawlgalka militari ee dalka ka socda.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, si uu halkaasi uga hoggaamiyo dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku goodiyay inaanan dagaalka dib looga laaban doonin, illaa iyo inta dalka laga suulinayo Shabaabka hubeysan.

Shabaabka ayaa ku dhawaad lix iyo toban sano ka dagaalamaya Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, iyagoona haatan wajahaya gulufkii ugu ballaarnaa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc