Home Wararka Maanta Faah faahin: Abaabulka ciidan ee ka jira Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

Faah faahin: Abaabulka ciidan ee ka jira Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

by Laacib

Dhaqdhaqaaq iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, kaas oo la xiriira wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Gobolka Hiiraan oo kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa la sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ka wadaan deegaanada bariga gobolkaasi ee dhaca Webiga Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la arkayo, iyagoo isku dhiririnaya webiga jiinkiisa, min Beledweyne, Halgan illaa waddada tagta Buulo Burde. Ciidanka xoogiisa ayaana ku sugan Degmada Buulo Burde iyo deegaanada hoostagga, waana ciidamada ay tahay inay qabtaan dhanka galbeed ee gobolkaasi.

Taliska Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda sugaya in gobolka ay soo gaaraan Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran, oo Isniintii lagu soo bandhigay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Xoogaga Guutada Gumac ayay tahay in mar qura ay ka wada gudbaan webiga, iyagoo la hawlgelaya Ciidanka Qaybta 27aad iyo xoogaga Macawiisleyda, isla-markaana barbar socda ciidamada kale ee lagu wado in ay xoreeyaan deegaanada galbeed ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamadan ka hawlgalaya Gobolka Hiiraan ayaa la filayaa inay qabtaan deegaano ay ka mid yihiin Qobyaxaas, Mokeyle, Ceelware, Buq Aqable, Luuq Jeelow, Show iyo Buurweyn.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulayo ayaa la soo sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmihii ugu dambeysay gaaray Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoostagga, iyagoo qayb ka ah ciidamada loo diyaarinayo in ay hawlgalada ka sameeyeen daanta galbeed ee gobolkaasi.

Ciidamadan cusub iyo kuwii horey gobolka u joogay qaybtood ayaa sidoo kale la soo sheegaya in hawlgalo ka wadaan tuulooyinka ka baxsan deegaanada Hilowle Gaab, Ceel-bacad iyo Daaru-nimca.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay qaban doonaan deegaanada istiraatiijiga ah ee Jiliyaale (Jameeca Jiliyaale) iyo Gamboole, iyagoo ka garab dagaalami doona Ciidanka Kumaandooska Danab ee la filayo in ay hawlgalka ka bilaabeen deegaanada dhanka galbeed uga toosan Magaalada Jowhar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidan kaloo cusub oo ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho ay fariisimo ka sameysteen deegaanada dhaca xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud. Ciidamadan oo sidoo kale isku fidiyay dhulka hawdka ayaa la sheegay in halkaasi ay saldhigteen.

Ciidamadan ayaa xoojinaya qorshihii soo socday ee lagu go’doominayay Shabaabka Gobolada Dhexe, iyadoona uu qorshuhu yahay in si buuxdo mintidiinta looga jaro gurmadkii ay ka heli jireen dhanka Gobolada Koonfureed.

Gudoomiyaha Degmada Ruunirgood, Muxudiin Maxamed Kulmiye (Macalin Muxudiin) ayaa sheegay in dadka degmadiisa ay u diyaarsan yihiin hawlgalkan, isagoona bogaadiyay dadaalada socda ee dib gobolka looga bilaabayo hawlgalka, ee ay dadka reer Hirshabelle isaga dulqaadayaan Al Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa qaba in hawlgalka oo dib loo bilaabaa ay meesha ka saari doonto joogitaankii kooxaha argagixisada ee deegaanada Hirshabelle.

Hawlgalka lagu wado in laga sameeyo dhanka galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle ayaa bilaaban doono, kolka ciidamadu ay xaqiijiyaan gacan ku haynta Bariga Gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Gobolka Mudug.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culeyskii ugu weynaa saartay Shabaabka Gobolada Dhexe, si maalmaha dhow looga sifeeyo goboladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc