Home Wararka Maanta Faah faahin: Dagaal qaraar oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Faah faahin: Dagaal qaraar oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Sabtidii Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Degmada Galcad iyo deegaanka Budbud, gaar ahaan deegaano hoostagga Budbud.

Ka hor inta aanu dagaalku dhicin Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa hawlgal gaar ah ka fuliyay guryo ku yaala afaafka hore ee deegaanka Budbud.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare) ayaa sheegay in hawlgalka lagu burburiyay baaruudda iyo aaladaha kale ay Shabaabku ka sameeyaan walxaha qarxa.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay waddada u galeen ciidamada oo ku socdaalayay waddada Galcad iyo Budbud. Weerarka ayaana ka dhacay deegaanka Geryaale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday dagaalka, oo dhinacyadu ay illaa saddex jeer isku soo noqnoqdeen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay xalay ku hoydeen goobihii lagu dagaalamay, Shabaabkuna ay aadeen dhanka dhulka miyiga ee tuulooyinka Geerile iyo Indha-kuus ee xigga dhanka deegaanka Cowsweyne. Cowsweyne ayaa la tilmaamaa in Shabaabku ku leeyihiin difaacooda ugu weyn ee ay ka difaacayaan Magaalada Ceelbuur.

Dagaalka oo soo gaaray illaa fiidnimadii xalay ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dhinacyada kala gaaray, inkastoo aan macluumaad sax ah laga hayn inta uu khasaaruhu le’egyahay.

G/dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare), Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in dagaalka lagu dilay 18 ka mida maleeshiyada Al Shabaab, oo ay ku jiraan sida uu yiri horjoogeyaal.

Afhayeenka Hawlgalada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa isna sheegay in dagaalka lagu dilay 14 askari, laba gaarina ay kaga gubeen ciidamada, halka gaari seddexaad oo qori saaran yahay sida uu yiri ay ku furteen dagaalka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay Cismaan Salaad Ibraahim (Moolif) oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Danab.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu qaraaraa ee labada dhinac ku dhex mara Gobolka Galgaduud, ka dib weerarkii xooganaa ee 20-kii bishii January ay Shabaabku ku qaadeen Degmada Galcad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc