Home Wararka Maanta Faah faahin: Iska horimaad ka dhacay Magaalada Guriceel

Faah faahin: Iska horimaad ka dhacay Magaalada Guriceel

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad hubeysan oo caawa fiidkii ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Iska horimaadkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ciidanka Booliska ay weerareen goob ay ku sugnaayeen kooxo ay la xiriiriyeen falal amni darro.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxa ay yihiin kooxahaasi, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ay ka tirsan yihiin Xoogaga Macawiisleyda, halka warar kalena ay sheegayaan in ay burcad ahaayeen.

Ciidanka Booliska oo Salaaddii Maqrib ka dib ka dhaqaaqay Saldhigga Booliska Guriceel ayaa weeraray goobtaasi, oo ku taala xaafadda Tawakal, gaar ahaan halka loo yaqaano (Tuulo Gaban).

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska ay iska caabin xoogan kala kulmeen kooxihii ay weerareen. Askar ka tirsan kuwa militariga oo rasaastaasi ku soo baxay ayaa sidoo kale rasaas xoogan oodda kaga qaaday Ciidankii Booliska, taas oo keentay in dib goobta uga gurtaan. Militariga ayaa la aamisan yahay in ay ciidamada amniga uga shakiyeen maleeshiyada Al Shabaab oo magaalada soo weerartay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay markii dambe gurmadyo ka heleen Saldhigga Guriceel iyo Ciidanka Nabad Sugidda ee ka hawlgala magaalada, iyagoona dib ugu laabtay goobtii ay kooxahaasi ku sugnaayeen, inkastoo ay goobtaasi dib ugu laabteen, xilli ay isaga taggeen kooxihii ay doonayeen in ay soo qab qabtaan.

Ciidamada ayaa mar dambe la arkayay, iyagoo hawlgalo ka sameynaya xaafadda Tawakal, inkastoo aan illaa iyo hadda la soo sheegin cid ay ku soo xireen.

Laba qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen iska horimaadka ka dhacay magaalada, halka afar kalena ay ku dhaawacantay. Labada qof ee dhintay mid waxa uu ka tirsanaa Booliska Guriceel, halka kan kalena uu ka tirsanaa Xoogaga Macawiileyda. Dadka dhaawacmay oo rayid ay ku jiraan ayaana la dhigay Isbitaalka Shifaa.

Saciid Salaad Cali (Rooble) waa ninka ka tirsanaa Macawiisleyda ee iska horimaadka ku dhintay, kaas oo aan si dhab ah loo ogayn in uu la socday kooxihii la weeraray iyo in uu waddada kula kulmay iska horimaadkaasi.

Rooble ayaa ka mid ahaa Xoogaga Macawiisleyda ee ay dhawaan diiwaangelisay Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaa oo Dowladda Federaalka ay u bilowday gunno iyo mushaar joogto ah, waana nin ka tirsanaa Xoogaga Difaaca Shacabka ee ka barbar dagaalamaya Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee dagaalka kula jira mintidiinta Al Shabaab.

Iska horimaadkan ayaa qalqal ku abuuray dadka deegaanka, oo bilowgii hore ku jahwareeray cidda uu dagaalku u dhaxeeyo.

Dadka reer Guriceel ayaa kuu sheegaya in rasaastu ay mararka qaarkood gaareysay goobo aad uga durugsan halka la isku fara saaray.

Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey iyo Kuxigeenkiisa Cabdi Cali Gurey ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan dhacdadaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc