Home Wararka Maanta Faah faahin: Ismiidaamin ka dhacday ka soo horjeedka Xerada Turksom ee Muqdisho

Faah faahin: Ismiidaamin ka dhacday ka soo horjeedka Xerada Turksom ee Muqdisho

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ismiidaamin maanta ka dhacday afaafka hore ee Xerada Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay agagaarka goob ay ku sugnaayeen dhallinyaro qoraneysay in ay ka mid noqdaan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay ka shakiyeen ninkaasi, isla-markaana ay ka hortaggeen, ka hor intii aanu dhex gelin dhallinyaradii ku sugneyd goobtaasi.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in afar ka mid ah dhallinyaradaasi ay ku dhaawacmeen qaraxa, kuwaa oo markii dambe loo qaaday goobaha caafimaadka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxa si weyn looga maqlay qaybo ka mida Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaasi ayaa war ay soo saartay lagu sheegay in ay ku dishay 32 ka mid ah dhallinyaradii qoraneysay in ay ka mid noqdaan ciidamada.

Ma jirto cid si madaxbannaan u xaqiijin karta sheegashada Shabaabka, ee ah in ay qaraxaasi ku dileen 32 ka tirsan dhallinyaradii qoraneysay ciidanka.

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaan illaa iyo hadda ka hadlin qaraxaasi iyo khasaaraha uu gaystay.

Xerada Tababarka Ciidamada ee Turksom oo ku taala duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ah saldhigga ugu weyn ee Turkigu uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa.

Saldhiggan oo Saraakiisha Turkiga ay ku tababaraan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa sanad kasta soo saara Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo ciidan door muhiim ah ka qaata hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Saldhiggu waxa uu awood u leeyahay in halmar lagu tababaro kun iyo shan boqol oo askari. Turksom ayaa horey loogu tababaray shan kun oo askari oo u badan Ciidanka Kumaandooska Gorgor.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc