Home Wararka Maanta Faah faahin: Ismiidaamin ka dhacday Muqdisho

Faah faahin: Ismiidaamin ka dhacday Muqdisho

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo caawa fiidkii ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo uu gaystay nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay maqaaxi lagu shaaho oo ku taala Guryihii Saraakiisha ee degmadaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa ku dhow Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, oo lagu tilmaamo mid ka mida goobaha sida weyn amnigooda loo ilaaliyo.

Bartilmaameedka ayaa u muuqday Taliyaha Amniga ee Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Muxumed Qaanso oo xilligaasi goobta fadhiyay. Jananka oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay in dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Gudoomiyaha Degmada Hodan, Cali Axmed Faarax ayaa sheegay in inta la ogyahay uu hal qof ku geeriyooday qaraxaasi.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qofka qaraxa ku geeriyooday uu ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee Amniga & Siyaasadda ee Gobolka Shabellaha Hoose, Cabdi Axmed Yuusuf (Afar Sheegle).

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ma jirto wax wara oo ka soo baxay laamaha amniga ee Caasimadda Muqdisho, kuna aaddan qaraxaasi.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barraha afkooda ku hadla.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc