Home Wararka Maanta Faah faahin: Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Villa Hargeisa + SAWIRRO

Faah faahin: Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Villa Hargeisa + SAWIRRO

by Laacib

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Xaruntooda Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay ka doodaan arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka

Kulanka ayaa ugu horreyn waxaa looga hadlay shaqaaqadii 24-kii bishii hore ee January ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka, markaas oo goluhu uu hareeyay buuq, xilli ay ansixinayeen habraaca wax ka bedelka ee Dib-u-eegista Dastuurka KMG. Shaqaaqadaas ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo fadhigii maanta shir guddoominayay ayaa sheegay in ay aqbaleen codsi kaga yimid Xildhibaano uu sheegay inay khaladkaasi sameeyeen.

“Arrintan dhacday runtii meel xun bay naga gaartay, haddana maadaama Xildhibaanadii khaladkaasi sameeyay ay is garteen, arrintaasina ay Xildhibaanadii kale ee walaalahooda ay soo qorteen inay ka raaligeliyaan, annagana runtii arrimo masiiri ah ay na horyaallaan, isku haynta Xildhibaanadana ay muhiim noo tahay, ayadoo waxaas oo dhan ay jiraan waxaan qaadanay in arrintaasi ay noo soo jeediyeen inaan isku qancino.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo Xildhibaanada ku booriyay in ay ka fogaadaan wax kasta oo gacan ka hadal ah amaba dhibaato keeni kara, wixii cabasho ay ka yihiina ay ka hadlaan iyagoo kuraastooda fadhiya.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo ku hadlayay codka Xildhibaanadii qaybta ka ahaa shaqaaqadaasi ayaa golaha ka hor sheegay in ay raaligelin ka bixinayaan shaqaaqadaasi, dib dambena aysan u soo laaban doonin dhacdadaasi oo kale.

Mudaneyaasha Golaha Shacabka ayaa intaasi ka dib guda galay inay ka doodaan ajandihii la horkeenay, oo ku aaddanaa arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulanka oo ay soo xaadireen 155 Xildhibaan ayay Xildhibaanadu ku kala aragti duwanaadeen ajandaha, iyagoona Guddoonka Golaha Shacabka weydiistay in ay soo faah faahiyaan mowduuca ku saabsan ka doodista arrimaha masiiriga ah ee dalka, bacdamaa uu yahay qodob aad u qoto dheer.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo hadalka qaatay ayaa sheegay in mowduucaan uu ku saabsan yahay dhabaha loo marayo dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka, maadaama Dastuurka KMG ay weli dooddiisu furan tahay.

Gudoomiyaha ayaa Xildhibaanada ka codsaday inaanay siyaasadeyn ajandaha, oo guddoonkooda ay u soo gudbiyeen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

“Idinkuba waad fahmi kartiin, waadna ogtihiin Labada Aqal oo isku jira ayaa wax ka bedeli kara dastuurka, waxaana wax ka bedelkiisa soo jeedin kara Xukuumadda, hal Dowlad Goboleed, hal Xildhibaan ayaa keeni kara, 40 kun oo shacabka ah ayaa keeni kara, markii ay Baarlamaanka u soo gudubtana Labada Gole ayaa ansixin kara, wax ka bedeli kara oo ka doodi kara.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Villa Somali ayaa gadaal ka riixeysa in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka KMG, si loo waafajiyo heshiiskii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee ay 27-kii bishii May ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Golaha Wadatashiga ayaa xilligaasi ku heshiiyay inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi oo keliya, dalkuna uu yeesho Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo bedelaya nidaamka hadda jira ee Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha.

8-dii bishii June ayay ahayd, markii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ay ansixiyeen jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka, looguna wareegayo nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen, oo muddo xileedka Madaxweynahana laga dhigay 5 sano, halka uu 4 sano ka ahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 25-kii bishii November furay Kalfadhigga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay dhameystiraan Dastuurka KMG.

Doodaha ay Xildhibaanada maalmaha soo socda ka yeelan doonaan wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka ayaa ah mid ay dad badani si dhow isha ugu hayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc