Home Wararka Maanta Faah faahin: Qarax dhimasho iyo dhaawacba sababay oo ka dhacay Gobolka Gedo

Faah faahin: Qarax dhimasho iyo dhaawacba sababay oo ka dhacay Gobolka Gedo

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax maanta Ciidanka Xoogga Dalka lagu la beegsaday waddada xiriirisa Degmooyinka Doolow iyo Luuq ee Gobolka Gedo.

Ciidamada oo ka ambabaxay Degmada Doolow, kuna sii jeeday Degmada Luuq ayaa inta u dhaxeyso lagu la eegtay qarax lagu diyaariyay waddada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa lagu la beegsaday meel u dhow deegaanka Muraadqabe, iyadoona uu qaraxu haleelay gaari uu la socday Abaanduulaha Guutada 10aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cabdirashiid Maxamed Cismaan (Cabdirashiid Bohol).

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan ka mid ah ilaalada Abaanduulaha ay ku geeriyoodeen qaraxaasi, tiro kalena ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Abaanduulaha.

Kolonyada la weeraray oo sidoo kale uu la socday Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Gobolka Gedo, General Jamaal Xasan Sarey iyo Saraakiil kale ayaa gaaray Degmada Luuq.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawaca Abaanduulaha iyo askartii kaleba loo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho, si halkaasi xaaladooda lagu la tacaalo.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in wadddada labadaasi degmo ay ciidamadu ka bilaabeen hawlgal sifeyn ah.

Waddadan oo muddooyinkii ugu dambeysay ahayd mid nabdoon ayuu Gudoomiye Kuxigeenku sheegay in ay si dhuumaaleysi ah ku soo deggeen maleeshiyada Al Shabaab, haatana ay wadaan qorshihii looga saari lahaa.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, sida ay tebisay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc