Home Wararka Maanta Faah faahin: Qarax ka dhacay Degmada Dayniile

Faah faahin: Qarax ka dhacay Degmada Dayniile

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo maanta askar ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka lagu la eegtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Gaari ay wateen ciidamada amniga ayaa qaraxan lagu la eegtay waddada cusub ee dhawaan laga dhisay degmadaasi.

Afar askari oo midi uu Sarkaal yahay ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen qaraxaasi, oo ahaa mid waddada dhinaceeda lagu sii diyaariyay.

General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in Sarkaalka ku dhintay qaraxaasi uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada u qaabilsan dhinaca dhismaha.

“Qaraxan waxaa ku dhintay saddex askari iyo nin Sarkaal ahaa, oo dhismaha u qaabilsanaa ciidanka. Saraakiisha dhismaha ayuu ka mid ahaa.” Ayuu yiri Afhayeenka oo VOA la hadlay.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray “Waa dabinada cadowga uu u dhigay ayay ka mid tahay qaarkood, laakiin waayahaan aad iyo aad baa looga guuleystay boqolkiiba sideetan (80%), siday horey ahaan jirtay Magaalada Muqdisho way ka fiican tahay.”

Mintidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, sida ay baahisay idaacadda afkooda ku hadasha ee Andalus.

Shabaab ayaa isku dayaya in ay carqaladeeyaan amniga Caasimadda Muqdisho, waana xilli toddobaadyadii ugu dambeysay ay ciidamadu xakameeyeen weerarada ay kooxaha argagixisadu ka gaysanayaan magaalada.

 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc