Home Wararka Maanta Faah faahin: Sarkaal ka tirsanaa Hirshabelle oo lagu dilay Magaalada Jowhar

Faah faahin: Sarkaal ka tirsanaa Hirshabelle oo lagu dilay Magaalada Jowhar

by Laacib

Sarkaalkan oo ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Jowhar ayaa galabta lagu dilay qarax ka dhacay magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa Sarkaalkan lagu la eegtay, xilli uu ku sugnaa Suuqa Xoolaha ee Magaalada Jowhar, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Daahir Maxamed Kaanti dhaawac ahaan looga qaaday goobtaasi, balse markii dambe uu dhaawacaasi u geeriyooday.

Afar ka mid ah ciidanka ilaalada ee suuqaasi ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Ciidamada amniga oo ku baxay suuqaasi ayaa waxaan jirin cid ay falkaasi u soo qabteen, illaa iyo hadda inta la ogyahay.

Suuqaan ayaa maalinta Sabtida ah mid mashquul badan uu ka jiro, iyadoona ay ganacsatada xoolaha keenaan xoolo fara-badan, waana maalinta loogu iibsiga badan yahay xoolaha nool, marka aad eegto maalmaha kale ee toddobaadka.

Suuqa Ganacsiga Xoolaha ee Magaalada Jowhar ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir Muudey iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuum Daahir Maxamed Kaanti.

Allaha u naxariistee Kaanti oo ahaa nin firfircoon ayaa sidoo kale ka tirsanaa Howlwadeennada Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse qaraxyada ceynkani oo kala ah ayaa waxaa looga bartay mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc