Home Dhacdooyin Falastiiniyiin weerar ka gaystay Magaalada Tel Aviv (SAWIRRO)

Falastiiniyiin weerar ka gaystay Magaalada Tel Aviv (SAWIRRO)

by Laacib

Hal qof ayaa ku dhintay, 13 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii laba nin oo Falastiiniyiin ah ay maanta weerar ka gaysteen Magaalada Tel Aviv.

Raggan oo watay baabuur ayaa jiirsiiyay dad Israeliyiin ah oo ku lugeynayay waqooyiga Magaalada Tel Aviv.

Booliska Israel ayaa sheegay in ragga weerarka gaystay ay baabuurta dadka ku jiirsiiyeen xaafadda Ra’anana.

Booliska ayaa weerarka ku tilmaamay weerar argagixiso oo loo adeegsaday saddex gaari, oo midkood sida ay sheegeen la soo xaday.

“Si wadajir ah ayay u soo baxeen iyagoo wata laba gaari, waxayna bilaabeen weeraro is daba joog ah.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska ee Degmada Dhexe, Avi Bitton.

Labada nin ee la tuhunsan yahay ayaa ka soo jeeda qoys degan Magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Booliska ayaa sheegay in raggan oo si sharci darro ah ku soo galay Tel Aviv ay hadda ku jiraan gacanta laamaha amniga.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxayse tani ku soo aadaysaa, iyadoo Israel ay weli duqaymo xiriiro ah ka waddo Marinka Gaza.

Colaadda dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa si weyn looga dareemay Bariga Dhexe iyo guud ahaanba caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc