Home Wararka Caalamka Falastiiniyiinta oo dadaal ugu jira fadhi degdeg ah uu Golaha Ammaanka ka yeesho Gaza

Falastiiniyiinta oo dadaal ugu jira fadhi degdeg ah uu Golaha Ammaanka ka yeesho Gaza

by Laacib

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa ka carreysan xadgudubyada xargaha goostay ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, iyagoona doonaya in dunidu ay ka hortagto gumaadka Ciidamada Israel ku hayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Raysal Wasaare Mohammad Mustafa ayaa sheegay in Maamulka Falastiiniyiinta uu raadinayo fadhi degdeg ah, oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshaan kororka dembiyada ee ka dhacaya Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hawlgalkii ay Ciidamada Israel Sabtidii ka fuliyeen xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza, kaas oo ay ku dileen 274 qof oo rayid ah, kuna dhaawaceen 698 kale.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas ayaa Golaha Ammaanka ugu baaqay inay kulan degdeg ah ka yeeshaan xasuuqii ugu dambeeyay ee ka dhacay xeradaasi.

Madaxweynaha ayaa Ergeyga Falastiin ee Qaramada Midoobey, Danjire Riyad Mansour ku amray in uu ka shaqeeyo kulankaasi, si goluhu uu uga arrinsado qulqulka dhiigga ee ka jira Gaza.

Tan iyo 7-dii October, Ciidamada Israel ayaa Marinka Gaza ku dilay ugu yaraan 37,084 qof, iyagoona ku dhaawacay 84,494 kale. Dhibaneyaasha ayaa u badan dumar iyo carruur, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Hawlgalada ay Israel sheegtay in ay kula dagaalameyso kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa ah kuwo baalmarsan shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimo iyo kan dagaalka, haddii ay si ula kac ah u beegsaneyso shacabka aan hubeysneyn, isla-markaana ay hortaagan tahay gargaarka naf badbaadinta ah ee Gaza ka noqday waxa loogu baahida badan yahay.

Khubarada ayaa sheegay in Israel dagaalkeeda uu ka gudbay khadka cas ee wixii dunida ay ku heshiisay.

In si ula kac ah loo bartilmaameedsado shacabka, burburinta kaabeyaasha rayidka iyo in la is hortaago kaalmada bani’aadantinimo ayaa ka dhigan dembiyo dagaal.

Israel ayaa waxaa muuqata inaysan ku dhaqmeynin wax sharci ah, si ay u gaarto hadafkeeda dagaalkana ay sameynayso tallaabooyinka ay u aragto in ay lagama maarmaan u yihiin, waana sababta ugu weyn ee aysan u ilaalineynin carruurta, dumarka iyo dadka da’da ah ee dunida ka mamnuuca ah in la waxyeeleeyo, gaar ahaan xilliyada ay colaaduhu jiraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc