Home Wararka Caalamka Faransiiska oo dhabarka u jeediyay Israel

Faransiiska oo dhabarka u jeediyay Israel

by Laacib

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa Maamulka Israel ugu yeeray in ay joojiyaan dadka aan waxba galabsan ee ay ku leynayaan Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa dhalleeceeyay weerarada Israel, oo si joogto ah loogu dilo sida uu sheegay haweenka, carruurta iyo dadka da’da ah.

Madaxweynaha oo xalay la hadlay BBC ayaa sheegay inaysan jirin wax sabab ah oo maanta Israel ay u duqayso Marinka Gaza, isagoona xusay in xabad joojinta ay faa’iido u leedahay Israel.

“Waxaan ku boorinaynaa inay joojiyaan duqayntan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska oo intaasi raaciyay “Si maalinle ah ayaa dadka rayidka ah loo duqeeyaa xaqiiqdii. Carruurtan, haweenkan iyo dadkan waayeelka ah waa la duqeeyaa oo la dilaa. Markaa ma jirto sabab taas loo sameeyo, sharcina ma jiro, marka waxaan ku boorinaynaa Israel inay joojiso.”

Waxa uu sheegay in doorkiisu uusan ahayn in uu xukumo in sharciga ah la jebiyay iyo in kale, balse aan wax qiil ahi loo hayn duqaymaha har iyo habeen Israel ee lagu bartilmaameedsanayo dadka reer Gaza.

Waxa kaloo uu sheegay in Israel ay la qaybsanayaan xanuunka khasaarihii xoogga lahaa ee dadkeeda ka soo gaaray weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa wareysiga ku sheegay inaanu Israel ku raacsanayn habka ay isku difaaceyso, taas oo uu sheegay in ay carro ka abuureyso gobolka iyo dareen xun, isla-markaana ay seenta u dheereynayso colaadda, sida uu yiri.

Madaxweyne Macron ayaa sheegaya in colaadda oo la xakameeyaa ay sidoo kale dan ugu jirto caalamka oo dhan, lana aqoonsado in nolosha aadanaha ay tahay mid muhiim ah.

Macron ayaa iftiimiyay in Faransiiska ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan ee Yurub iyo sidoo kale bulsho ballaaran oo Yahuud ah, isla-markaana ay Faransiiska iyo Yurub inteeda kale arkayn kor u kaca naceybka dadka Yahuudda, ayna sal u tahay colaaddan ka oogan Bariga Dhexe.

Macron ayaa qaba in xabad joojin bani’aadantinimo aanay waxba ka tari doonin colaadda, balse loo baahan yahay in la gaaro heshiis xabad joojin waarta ah.

Faransiiska ayaa u muuqdo mid ka soo dabcay mowqifkiisii toddobaadyadii hore ee dagaalka, oo si weyn uu Tel Aviv ugu taageeray weeraradii ay ka sameynaysay Marinka Gaza, ka dib weerarkii Xamaas ay ku dishay in ka badan 1,400 oo qof oo reer Israel ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc